Mareykanka oo u ololeynaya in ciidamao UN-ka loo diro Somalia

UN calaamad.jpgDowladda Mareykanka ayaa u ololeynaya Qaramada Midoobey in Ciidamo ay u dirto Soomaaliya, kadib markii ay Dowladda Ethiopia ay ka dhawaajisay in ciidamadeeda kala baxeyso dhamaadka bisha December ee sanadkan.

Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in hadii ay baxaan Ciidamada Ethiopia ay dhici karto in guud ahaan dalka uu u gacan galo Xoogaga Islaamiyiinta oo haatan hareereeyey magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibeda Mareykanka oo lagu magacaabo Gordan Duguid ayaa muujiyay khatarta ka imaan karta hadii ay Ethiopia baxaan, isagoona sheegay in loo baahan yahay in la helo ciidankii beddeli lahaa kuwa Ethiopia ee baxaya.

Waxaa uu sheegay in dadaal loogu jiro sidii ciidamo ka socda Qaramada Midoobey loogu diri lahaa Soomaaliya, kuwaasoo soo celiya xasilooni iyo kala dambeyn.

Dowladda haatan ka jirta Soomaaliya ma laha wax awood ah, hadii Ethiopia baxdo waa suuragal inay burburto, maadaama haatan ay ku joogto taageerida Ciidamada Ethiopia oo had iyo goor daafaca.

Qaramada Midoobey ayaa eegeysa qaraar ku aadan in Ciidamo ay u dirto Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in marka hore ay eegeyso Ciidamada ay u direyso Soomaaliya oo ay u aragto waddan  khatar ah.

Add New Comment