Ciidamo ka amarqaata Axmed Daaci oo dhac iyo xayiraad u geystay maamulka iyo weriyeyaasha UNIVERSAL TV ee Muqdisho.

Ciidamada Dowladda FS , gaar ahaan kuwa ku sugan Isgoyska Korontada degmada Wadajir Muqdisho ee hoos taga Gudoomiyaha degmadaasi Axmed Xasan Cadow ( Axmed Daaci) ayaa la xaqiijiyay inay muddo saacad ah ay galabta ku xayireen guriga gudoomiyaha oo ku yaala Shineemo Muqdisho qaar ka mid ah Madaxda iyo weriyayaasha Telefishan-ka UNIVERSAL ee afka Soomaaliga ku hadla , xaruntiisuna ay tahay magaalada London.

Weriyayaasha oo ku socday gaari land caruser uu ku buufsan yahay Magaca UNIVERSAL TV , ayaa gebi ahaan gaariga iyo shaqaalihii saarnaa ay u kaxeeyeen ciidamo ka amar qaata Axmed Daaci gurigiisa , halkaasoo ay ay kaga qaateen shaqaalihii saarnaa gaariga wixii agab ahaa ee fududaa sida Mobeylada iyo Lacag dhaskarta dkg.jpgan $270 USD .

Ilo wareed ayaa waxay sheegayaan in ragga la xayiray uu ku jiray Agaasimaha Xarunta UNIVERSAL TV ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Xuseen “Jeekey” , Darawal Nuur Baafo , Weriye C/qaadir Faarax Dulyar iyo Sawirqaade Faarax dheere.

Saraakiisha ammaanka degmada wadajir ayaa waxay ku eedeeyeen in gaariga UNIVERSAL lagu qaado muqaawamada u soo gudubta degmada Waajir ee dhowaantan weerarka ka geysatay halkaasi , hase ahaatee maamulka Telefishan-ka xaruntiisa Muqdisho ayaa arrintaasi beeniyay kuna sheegay inay tahay ciqaab la marsiinayo maadaama ay ka biyo diideen inay sawiro ka soo qaadaan tobaneeyo dhalinyaro ah oo todobaadkii hore lagu dilay degmada wadajir iska hor’imaad ka dhacay , kaasoo Axmed Daaci gudoomiyaha degmadaasi uu saxaafadda iskugu yeeray si ay sawiro uga qaataan meydadkaasi , una baahiyaan, kuna sheegaan inay yihiin dagaalyahano ka kala tirsan Jabhal-Islaamiyah iyo Alshabaab, laakiin saxaafadda Muqdisho ayaa intooda badan ka gaabsatay arrinkaasi, gaar ahaan Telefishanada oo ku andacoodauy inay u baahan yihiin wax cadeynaya raggaasi la laayay inay yihiin muqaawamo, taasoo ka careysiisay Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Maamulka degmada wadajir .

Ciidamada Booliska Degmada Wadajir ayaa dib ugu celiyay UNIVERSAL TV , gaarigii diish-ka ku xirnaa ee land cruser-ka , mobeyladii iyo lacag dhan $50 USD .

Talaabadan ayaaney aheyn mid ku cusub Muqdisho oo horey loogu bartay dhaca , afduubka iyo dilka weriyaasha .

Add New Comment