Culumaa'udiinkii u istaagay xalinta qilaafaadka xoogaga islaamiyiinta oo heshiiskii jabuuti ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn Diinta islaamka.

Culumaa'udiinkii dhawaan u istaagay xalinta qilaafaadka soo kal dhex galay xoogaga islaamiyiinta ayaa bayaan ay soo saareen waxaa ay  heshiiskii jabuuti ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn Diinta islaamka.

 Bayaankaan ay soosaareen maanta culimaa'udiinkii u istigaay xalinta khilaafaadka soo kala dhaxgalay xoogaga wax iska caabinta ayaa waxa uu ahaa mid intiisa badan looga hadlayay shirkii Jabuuti iyo wax yaabihii kasoo baxay.Waxa uu ka koonmaa  bayaankan qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in heshiiskii jabuuti ay ku gaareen xubno katirsan isbeheysiga dib u xoreynta iyo dowlada KMG in uusaan waafaqsaneyn diinta islaamka taasi oo culimada daliil ay kaga dhigteen labo arimood oo midda koowaad ay tahay in aysan banaaneyn in kooxi ay isku gaar yeesho ka talinta Aayaha Umadda Soomaaliyeed.

     Arinta  kale ayay culumadu ku sheegeen  in aan heshiis lala yeelan Karin koox culumadu ay ku tilmaamtay in ay cadow dalka u soo hogaamiyeen sababna u noqotay burburka dalka iyo baabi'inta dadka iyagoo aan kalaaban waxyaabihii lagula dagaalamay ciidamadii ay keeneena wali ay  joogaan islamarkana aysan muuqan saasaanta bixitaankooda.Bayaanka culamada ayaa sidookale lagu xusay in heshiisku uu sababikaro isku dhac dhaxmari xoogaga wax iska caabinta  sida uu qabo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha culumada soo saartay bayaankan.Culumada ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in xubnaha isbeheysiga jabuuti iyo kuwii heshiiska kuraacay in aysan  banaaneyn in diinta laga saaro oo labaneeysto dhiigooda iyo maal kooda iyadoon loo marin shareecada islaamka waxaana ay sheegeen in ay ka xunyihiin in kooxda jabuuti ay ka dhaga adeegtay in baaq culumada ay ujeediyaan.
 Hadalka culimaa'udiinka u isataagay xalinta qilaafaadka ka dhxe taagan xoogaga islaamiyiinta ayaa imaanaya xili dhawaan heshiis awaad qaybsi ah ay jabuuti ku gaareen xubno ka tirsaan is beheysiga dib u xorynta garabka Jabuuti  iyo dowlada KMG Soomaaliya,waxaana ay noqonayaan dadkii ugu horeeyay ee qaadaca heshiiskaasi.

 

Add New Comment