Dawladda Ethiopia oo eedeysay barlamaanka Soomaaliya


Dowlada  Ethiopia   ayaa  ku  eedaysay    xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya  xil gudusho la'aan   iyadoo sheegtay in ay  mushaar  u  soo  doontaan  magaalada Baydhabo marka ay bishu dhamaato.

parlamaan.jpg Wasiirka arimaha dibada  dalka  Ethiopia  Siyun  Musfen oo maanta  war-saxaafadeeda  soo  saaray  ayaa  inta badan  ku  dhaleeceeyay   mudanayaasha   Barlamanka KMG in ay iska joogaan magaalada  Nairobi  ee  xarunta dalka  Kenya  oo   aanan   gudan   masuuliyadoodii   ka saarnayd shacbiga Soomaaliyeed.Waxa  uu  sheegay  in  xildhibaanada  Barlamanka  KMG ay intooda badan u taggaan  magaalada  Baydhabo  eexarunta gobolka  Bay  in  mushaarkooda  billaha  ah  ay halkaasi ka soo qaataan. Siyun musfen oo  sidoo  kale soo hadal qaaday qilaafka u dhaxeeya madaxweynaha  dowlada  KMG  Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo  Raiisul  wasaare  Nuur Cadde iasgoo ku tilmaamay arinta u  dhaxeysa 2-daas  masuul mid laga xishooda oo salka ku haya arimo shaqsiyadeed iyo mid qabiil sida uu yiri Musfen. Wasiirka arimada dibada dalka Ethiopia waxaa uu  sidoo kale   war-saxaafadeekiisa   uu  ku    sheegay  in   Urur goboleedka IGAD ay  horayba  u  cadeeyeen  in  madax sare  ee   dowlada   KMG   Soomaaliya   aanan   gudan waajibaadkii   looga  baahnaa  danta  dadka  iyo  dalka Soomaliyeed,  waxaana  uu  tilmaamay  in  mushkiladdahaatan   Soomaaliya  heysata  aysan   aheeyn  dhanka ammaanka oo kaliya  ee  ay  tahay  heshiis  la'aanta  u dhaxeeysa madaxda sare ee dowlada FKMG Soomaaliya. Dhanka kale Suyum Musfin waxuu  si  kulul  u  weeraray ciidamada Gaashaanbuurta NATO ee ka howlgala biyaha Soomaaliya  isagoo  sheegay  in  ciidamadaasi  aysan u shaqeyn sidii loo baahnaa. Waxaa  uu   tilmaamay   in   kooxaha   burcad-badeeda Soomaalida  ee   ka   qowleeysata   biyaha  Soomaaliya aysan aheeyn mallaay ka dhashay badda hase  ahaatee ay  yihiin   kuwa   ka   yimid  berrige  Soomaaliya  sidaa darteedna  loo   baahanyahay  in   marka  hore  xal  loo raadiyo dalka Soomaaliya ka hor inta aan xal loo  raadin kooxaha burcad badeeda  Soomaalida  ah, waxaana  uu ugu dambayntii ka  codsaday  beesha  caalamka  in  ay Soomaaliya u raadiso xal  nabadeeda  taasi  oo  geeska Africa ka dhalin karta nabad waarta.

Add New Comment