Marxuum Faarax Wehliye Caddow (F. Sindiko)

Waxaa saaka si heer qaran  ah loogu aasay   qabuuraha  Xaaji  Dalfac ee degmada  Yaaqshiid,  meydka  marxuum  Faarax  Wehliye  Caddow   (Sendiko)   oo  dhawaan  ku geeriyooday  magaalada  Qaahira ee  waddanka   Masar, shalayna Muqdisho la keenay.  meydka   marxuumka  oo Salaadda Janaasada lagula tukaday  garoonka  kubadda cagta (Muqdisho Stadium) ayaa  waxaa  ka   qeybgalay dadweyne  aad u  faro  oo  isugu   jiray    ehelada   iyo asxaabta marxuumka iyo bahda Isboortiga  Somaaliyeed.  Kaddib  waxaa  marxuumka   loo   qaaday     qabuuraha Xaaji Dalfac, halkaasi oo si heer qaran ah  loogu  aasay, iyadoo ay aaskiisa ka soo qeybgaleen   Culumaa’udiin si weyn   looga   yaqaano   Soomaaliya,  kuwaasi   oo  uufaarax sindiko.jpg
horkacayay Macallin Nuur Maxamed Siyaad   iyo  weliba masuuliyiin ka socotay dowladda federaalka Soomaaliya oo aan ka xusi karno Guddoomiyaha cusub  ee  Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dadkii ka qeybgalay aaska marxuumka ayaa  intii  aysan ka tegin qabriga waxay marxuumka ugu duceeyeen inuu Allaah Naxariista Janno ka waraabiyo,  qoyskii,  ehelladii iyo asxaabtii uu ka tegayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Add New Comment