Sh/hoose oo saddexda beelood maanta uu shir uga furmay magaalada Marka

In ka badan 200 ergo oo ka kala socda saddex ka mid ah beelaha dega gobolka Sh/hoose ayaa maanta kulan dib u heshiisiin ah uu uga furmay magaalada
Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.Ergooyinkan oo iskugu jira hogaamiye dhaqameedyo, culumaa’udiin iyo waxgarad kale oo ka  kala  socda beelaha Jiido,
Biyamaal iyo Garre ayaa kulankooda uga wada hadlaya sidii loo dhameyn lahaa khilaafaad iyo mad-madow mudooyinkan ka dhex jiray  dadka  ku abtirsada sadexdan beelood ee ood wadaagta ah.
Gudoomiyaha golaha dhaqanka beelaha Direed C/nuur Yuusuf Maxamuud ayaa sheegay  in  ergooyinka  ka  qeyb  galay  shirkaasi  ay  ka  kala  yimaadeen
deegaano kala gedisan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, wuxuuna xusay in shirkaasi lagu dhameyn doono sida la filayo wixii khilaafaad ahaa ee ka dhex jiray beelahaasi, isagoo xusay in beelaha kale ee gobolka ay ugu baaqi doonaan nabad ku wada noolaansho iyo dib u heshiisiin.

Shirka saddexda beelood uga furmay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa ku soo beegmaya xili  guud  ahaan  gobolkaasi  ay  gacanta  ku  hayaan
xoogaga hubeysan ee Al Shabaab oo ka mid ah dagaalayahanada ka soo horjeeda DF  iyo  joogitaanka  ciidamada  shisheeye  ee  dalka Somalia,  waxaana
saraakiil u hadashay xoogagaasi ay sheegen in dhowaan shirar dib ub heshiisiin ah ay u qaban doonaan beelaha ku dhaqan  gobolka  inkastoo aan la ogeyn
in shirkan ay iyagu soo abaabulaen iyo in kale

Add New Comment