Ra'isul wasaare Nuur Cadde iyo wafdi uu hogaaminayay oo maanta u kicitimay dalka Jabuuti

Ra'isul wasaare Nuur Cadde iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta u duulay dalka Jabuuti halkaasi oo kulan xasaasi ah ay ku leeyihiin wafuud kala mataleeysa Dowlada kmg Soomaaliya iyo Xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta ee ku sugan halkaasi.

nuur cadde jpg.jpg

Wafdiga uu hor kacay Ra'isul wasaaraha dowlada Kmg Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (N. Cadde) oo ay ka mid ahaayeen Xubno Baarlamaanka ka tirsan iyo Golihiisa wasiirada ayaa maanta u kicitimay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti si ay ugu biiraan kulanka halkasi uga socda wafuud kala mataleeysa Dowlada kmg Soomaaliya iyo Xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti.

 

Xubnaka uu hor kacayo Ra'isul wasaaraha ayaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan Kulanka halkaasi uga socda wafuud kala mataleeysa Dowlada kmg Soomaaliya iyo Xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta kuwaasi oo maanta oo dhan ka doodayay Qodobka Awoodqeybsiga xukuumada si loo lehlo hanaan siyaasadeed oo xal loogu helo dhibaatada dalka Soomaaliya ka taagan.

 

Dalka Jabuuti ayaa horay waxaa ugu sii sugnaa xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta garabka sheikh Shariif kuwasi oo kulanka ka qeyb galaya.

Wafdiga uu hor kacay Ra'isul wasaaraha dowlada Kmg Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu wadaa in ay ku howlan yihiin sidii loo soo saari lahaa goaan mid ah isla markana loo heli lahaa awood qeybsi sima iyo dowlada ay ka dhex muuqadaan xubnaha dowlada iyo Isbeheysiga dib u xorynta.

 

Wadahadalada ka socoda Dalka Jabuuti in kasatoo ay saxaafada ka maqan tahay ayaa hadana waxaa wararka ka imaanaya ay sheegayaan in ay adagtahay qodobka looga doodayo qaabka ay awooda u qeybsan karaan dowlada iyo mucaardka ka soo hor jeeda waloow mucaaradka gudaha dalka Ku sugan qaarkooda ayba si xoogan u qaadaceen wadahadalada ka socda dalka Jabuuti.

Add New Comment