Odayaasha beelaha Hawiye oo maamulka cusub ugu baaqay in ay ka faa'iideeystaan Fursada Cusub ee ay heystaan isla markana shareecada islaamka ay ku dhaqaan gobolka Banaadir.

Odayaasha beelaha Hawiye ayaa maamulka cusub ugu baaqay in ay ka faa'iideeystaan Fursada Cusub ee ay heystaan isla markana shareecada islaamka ay ku dhaqaan gobolka Banaadir.

 

Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye nabadoon Axmad Diiriye Cali oo maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha magalada Muqdisho ayaa waxaa uu mamulka cusub ee gobolka Banaadir ugu baqay in ay shareecada islaamka ku mamulaan gobolka isla mrkaana ay ka fa'iideestaan fursada ay u heleen in hogaan cusub loog dhigo gobolka.

 

Axmad Diiriye Cali ayaa intaa ku daray in maamulkan uu la mid yahay maamulka Cadde Muuse ee puntland ayna gobolka u horseedi karaan himilo wanagsan hadii diinta islaamka ay ku maamulan gonbolka.

 

Nabadoonka ayaa maamulka cusub uga digay in ay maraan halkii ay mareen mamuladii ka horeeyay oo lagu eedeeyo in ay masuul ka ahaayeen in gobolka ay ka barakiciyeen dadkii degana ee xiligan ku dhibaateeysan duleedka magaalada Muqdisho.

 

Hadalka afhayeenk golaha dhaqnka iyo midnimada beelaha Hawiye nabadoon Axmad Diiriye Cali ayaa kusoo  Aadaya Xili xalay fiidkii guriga Ra'isul wasaare Nuur Cadde looga dhawaaqay  maamulka gobolka Banaadir kaasi oo gudoomiye looga dhigay Max'ed Cismaan Cali Dhagaxtuur.

 

Dhanka kale Wadayaasha gaadiidka B-lka ee ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday gudomiyaha cusub ee goboka Banaaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Dhagaxtuur  in uu ka qaado wadooyinka marinka u ah gaadiidkooda Jagboontiyada ay ciidamada dowlada lacagaha sharci darada ah uga qaadaan.

 

Waxaa ay tilmaameen wadayaasha in goobaha ugu daran ee lacagaha looga qaado ay yihiin isgosyada Siinaay,Jardiinka,Sanca, Dabka,Km-4,Ex contarol Afgooye, Sarkuusta iyo kulaydii Jaalle Siyaad  iyo inta badan degmooyinka X/wayne,X/Jajab,Wadajir,Dherkeenlay,Kaaraan  kuwaasi oo ay sheegeen gadiidlayda  in ay ku wada suganyihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG iyo kooxo hubeysan oo aan wadan wax darees ah.

 
Si kastaba ha ahaatee codsigaan ka soo yeeray wadayaasha gaadiidlayda BL-ka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili xalay fiidkii lagu dhawaaqay maamul uu yeeshay gobolka Banaadir kaasi oo loo dhaariyay Max'ed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) waxana la agooyn waxaa uu ka badali karo gudoomiyuhu jidgooyada ay ciidamada dowlada gaadiidka lacagaha ugu qaadaan  iyadoona inta badan saraakiisha Ciidamada dowlada ay iska indha tiraan islamarkaana ay ku andacodaan in kooxaha lacagaha sharci darada qaadanaya ay yihiin kuwa damiirlaawayaal ah sida uu saxaafada u sheego Afhayeenka ciidanka booliska G/sare C/laahi Xasan Bariise.

Add New Comment