Bannaanbax lagu taageerayey Maamulka cusub ee Banaadir

Banaan bax ballaaran oo lagu taageerayo Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoona banaan baxaas ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan oo taageersanaa Gudoomiaha Cusub ee Gobolka Banaadir.

Maamulada Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid oo soo agaasimay banaan baxaan ayay waxay ku taageereen Maamulka uu madaxda u yahay Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) oo xalay Hoyga Ra'iisul Wasaaraha ay ku doorteen Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Dadweynaha isugu soo baxa dibad baxan oo sitay boorar hal ku dhigyo ku qoran tahay iyo sawirka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Dhagaxtuur ayay ka codsadeen Gudoomiyaha Cusub inuu wax ka qabto arrimaha amaanka ee gobolka, isla markaana uu dadaalo u muujiyo shacabka si dhibaatada kala duwan uga saari lahaa.

Mas'uuliyiinta Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid oo hadalo jeediyay ayaa ugu baaqay Maamulka Cusub ee Gobolka inuu xil weyn iska saaro howshii loo igmaday, iyagoona sheegay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Maamulka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo muddo saddex bilood ay howlihiisa ay marnaayeen ayaa xalay Maamul lagaga dhawaaqay Hoyga Ra'iisul Wasaaraha, kaasoo ahaa Maamul laga soo shaqeeyay oo ay wadeen Ra'iisul Wasaaraha, xubno dhowr ah oo ay ka mid ahaan jireen Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho.

Maamulka Cusub oo ay madaxda u yihiin Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur ) iyo kuxigeenadiisa 1aad iyo 2aad C/fitaax Ibaraahim Shaaweeye iyo Axmed Shido kuwaasi oo durbadiiba ay soo ifa baxday mucaarado kaga imaanaysa beelaha Soomaaliyeed oo ku aadan qaabkii loo dhisay maamulka Gobolka Banaadir

 

                   

 

Add New Comment