Gobolka Banaadir oo loo sameeyay maamul cusub oo ay soo doorteen Wakiillada Bulshada

Isniin, November 24, 2008(HOL): Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay waxaa xalay loo sameeyay maamul uu yeelanayo, kaasi oo markii ugu horeysay ay soo doorteen wakiillo ka socda Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir.54 Mudane oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo shalay loo dhaariyay xilkaas ayaa waxay xalay doorteen guddoomiye iyo labo guddoomiye ku xigeen oo uu yeelanayo Gobolka Banaadir.

Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) ayay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir u doorteen in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, halka C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey  iyo Axmed Aadan Shiddo loo kala doortay Guddoomiye ku xigeennada koowaad iyo labaad ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Guddi KMG ah oo xil saarnaa maamul u sameynta Gobolka Banaadir Ibraahim Shiikh Muxyaddiin ayaa markii ay codbixinta doorashada soo idlaatay wuxuu ku dhawaaqay sida loo doortay madaxda cusub ee maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur uu helay 50 cod, halka C/fataax Shaawey oo ku xigeenkiisa koowaad ahna uu helay 38, iyadoo Guddoomiye ku xigeenka labaad oo noqday Axmed Aadan Shiddo-na uu helay 35 cod.

Madaxda maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo isla markii la doortayba goobta lagu dhaariyay ayaa hadal kooban oo ay jeediyeen waxay ku sheegeen in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka ka jira gobolka Banaadir.

madaxda_gbanaadir.jpg

Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur ayaa sheegay in uu maamulkiisa ka shaqeyn doono sidii ay Muqdisho ugu soo noqon lahaayeen dad badan oo ka barakacay, sidoo kale uu u furi lahaa Waddooyin ku xirmay dagaallo Muqdisho ka dhacay, sidoo kalena uu sii wadi doono waxqabad dhinaca Arrimaha Bulshada ah oo uu waday intii uu Guddoomiye ku xigeenka ka ahaa Maamulkii uu Guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Ugu dambeyntiina, Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa marka laga soo tago Guddoomiye ku xigeenka labaad (Axmed Aadan Shiddo) waxay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ka tirsanaayeen Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Dheere, iyagoo kala qaabilsanaa Arrimaha Ammaanka iyo Nabadgelyada.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

 

Add New Comment