Doorashada Guddoomiyaha G/Banaadir

Dhagaxtuur1.JPGXubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo maanta lagu  dhaariyay Hoyga  Ra'iisul  Wasaaraha  ayaa  inta  badan  codkooda ku  doortay  Musharaxa Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) Xubnaha Golaha Deegaanka oo ka kooban 69-xubnood oo  lagu soo xulay qaabka awood  qeybsiga 4.5,  isla markaana54 ka mid ah ay xaadir ku ahaayeen xaflada lagu dooranayay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka  hor  inta aanay  dooran Gudoomiyaha  Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenadiisa waxaa lagu hor dhaariyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka mid Golihiisa Wasiirada.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo ay garbihiisa fadhiyeen Ra'iisul Wasaare Kuxigeenkiisa ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdisalaan  iyo  wasiirka  Beeraha Mustaf Dhuxulow, Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada  Baarlamaanka  oo  ay  ka  mid  yihiin  Muuse Suudi Yalaxow, Xuseen Caraale Cumar Finish. Musharaxiinta u tartameysa Maamulka Gobolka Banaadir ka hor inta aysan soo bandhigin shuruudaha  looga baahan yahay ayaa waxaa xilkii Gudigii KMG ah ee Gobolka Banaadir ee la magacaabay 9-kii Bishii  September  ee  sanadkan  waxay  Ra'iisul Wasaaraha  hortiisa ku wareejiyeen xilkii Gudigaas Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir waxaana Goluhu ay guda galeen in  Raga  musharaxiinta ah ay  soo  gudbiyeen  Liisaskooda.

Musharaxiinta u tartamaysay Maamulka Gobolka Banaadir oo ka koobnaa Lix xubnood ayaa waxay kala ahaayeen  Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur,  oo u tartamayay  Gudoomiyaha  Gobolka,  Eng. Axmed

Xaaji  oo  isna  u  tartamayay  Maamulka  Gobolka  Banaadir,  halka  Gudoomiye  Kuxigeenka  1aad ay u
tartamayeen C/fataax Ibraahim Shaaweye iyo Iimaan Jimcaale Faarax, halka gudoomiye Kuxigeenka 2aad ay u tartamayeen Axmed Aadan Shido iyo C/qani Cusmaan Kabreeto.

Axmed Xaaji oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Maamulka Gobolka  Banaadir, kuna  loolamayay  Maxamed Cismaan Dhagaxtuur  ayaa  xilligii  la guda
galay doorashada, ayaa isaga baxay hoolkii doorashada, waxaana xiliga codad tirinta uu helay Hal cod oo kaliya,  taasoo  aan  la  ogeyn  sababta  uu  uga
baxay musharaxnimadiisa, mana soo gudbin wax tanaasul ah.

Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa kama dambeys ku guuleystay doorashada, kadib markii uu helay  codod dhan 50 cod,  halka Ku-xigeenkiisa 1aad C/fataax Shaaweeye uu helay

Dhagaxtuur3.JPG

38cod, halka Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Axmed Aadan Shido uu helay 35cod.
Maamulka uu madaxda u yahay Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa sida la sheegay ah KMG oo  shaqeyn  doono muddo 4 bilood, waxaana mudadaas gudahood ay Dowladda dhexe ku diyaarin doontaa xeer u gaar ah Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, sida uu qorayo Axdiga KMG.

Kadib markii la soo gaba gabeeyay doorashada iyo cod bixintaba waxaa lagu hor dhaariyay Ra'iisul  Wasaare  Nuur  Cadde  Xubnihii  loo  doortay Maamulka Gobolka Banaadir ee saddexda xubnood ah. Ra'iisul Wasaaraha oo hadal kooban ka  jeediyay  Munaasabada  ayaa  sheegay in sababta  keentay in  Beelaha

Soomaaliyed ay doortaan Maamul ay xor u yihiin ay keentay duruufo jira iyadoo xilligii hore loogu  tala  galay  in  dadweynaha  ay  soo  doortaan  Maamulkii hogaamin lahaa, balse haatan loo arkay in xilligan aysan suurta gal aheyn.

Add New Comment