Ganacsatada beesha Hawiye ee UAE oo taageeray heshiiskii Jabuuti

Shir ay isugu yimaadeen boqolaal xubnood oo ka mid ah ganacsatada & waxgaradka beesha Hawiye ee ku dhaqan dalka
Imaaraadka ayaa looga hadlay isbeddellada siyaasadeed ee ugu dambeeyey ee dalka kusoo kordhay, waxaana kulankaasi
la isku weydaarsaday fikrado ku saabsan waxa waxgaradka & ganacsatada Hawiye ay ku kordhin karaan xaaladda
Soomaaliya, waxayna gebegebadii kulanka soo saareen bayaan u qornaa sidan:

Markii aan aragnay xaalada adag ee uu waddanku ku sugan yahay iyo dhibaatada haysata ummadda Soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogto ayaan waxaan go'aansanay.

1) Waxaan caddeynaynaa in si mas'uuliyadi ku jirto aan u taageernay shirkii Jabuuti
2) Waxaan cambaareyneynaa go'an kasta oo ka soo horjeeda shirka Jabuuti.
3) Waxaan ugu baaqeynaa cid kasta oo ka damqaneysa xaaladda Soomaalidu
    ku sugan tahay in ay is garab taagto shirka Jabuuti, lana taageero miraha
    shirkaasi ka soo baxa.
     Ganacsatada bayaankan saxiixay ayaa waxaa ka mid ah
1- Abdullaahi Yalixow Macalin
2- Jamac Warsame Liibaan
3- Maxed Abddulkadir Shegow
4- Mursal Cabdi Xassan
5- Abdi Elmi Ahmed
6- Muse Ali Hassan

Add New Comment