Markabkii Ukrain ma la sii daayey?

Kooxda heysta markabka hubka sida ee laga leeyahay dalka Ukraine ayaa ku hanjabay in ay ka baxayaan wadahadallada lagu sii daynayo markabkaasi oo dhawaan ay la fureen milkiilayaasha markabkaasi.

 Afhayeen u hadlay kooxda Soomaalida ah ee markabka haysta oo u waramayay wakaaladda wararka AFP  ayaa waxaa uu sheegay in milkiilayaasha Markabkaasi ay dib u dhigayaan lacago madaxfurasho ah oo horay luugu heshiiyay in ay bixiyaan si markabka loo sii daayo.

 Waxa uu sheegay in kooxda markabka heysta aysan ku faraxsanayn  dib u dhigida lacagta horay loogu heshiiyay in ay bixiyaan milkiilayaasha markabka.

 "Milkiilayaasha Markabku waxay u muuqdaan kuwo war wareejinaya bixinta lacagta lagu sii daynayo markabka" ayuu yiri Afhayeen u hadlay wakaalada wararka ee AFP.

 Waxaa uu intaa raaciyay Afhayeenkaasi u hadlay kooxda burcad badeeda Soomaalida  in ay jiraan wada tashi u dhaxeeya kooxaha burcad badeeda ee dhulka jooga iyo kuwa Markabka Saaran kaasi oo ku aaadan sidii ay tallaabooyin  cusub u qaadan lahaayeen.

 Dad ku sugan halka markabka lagu heysto oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in lacag gaaraysa 3-miyan iyo bar lagu heshiiyay markabka Ukraine laga leeyahay ee sida taangiyada in lagu sii daayo tooddobaad ka hor,waxaana kooxaha burcad badeedu ay sheegeen in uu dhamaaday waqtigii lagu heshiisay in lacagta ay milkiilayaashu ku bixiyaan.

Add New Comment