Dagaalo galabta ka dhacay Muqdisho

Dagaalo saacad ka badan socday oo u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ah oo isku dhinac ah iyo xoogaga muqaawamada ee ka horjeeda ayaa ka dhacay galinkii dambe ee galabta xaafado ka tirsan degmada wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.
dagaal culus.jpg
Dagaalkan khasaaraha ka dhashay lama oga balse dhinacyada dagaalku dhexmaray ayaa madaafiic iyo hub culus isku weydaarsaday, wuxuuna bilowaday dagaalkan abaare 5:00 galabta isagoo soo gaaray salaadii Maqrib kadib.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan xaafad ka mid ah degmada wardhiigley ayaa sheegay in haweney iyo ilmo yar ay dhinteen kaddib markii uu ku habsaday madfac ay soo tuureen ciidammada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiyaanka ee fariisinka ku leh deegaanka xararyaale iyo Cali kamiin halkaasoo xoogaga islaamiyiintu ay weerarada ku qaadeen ayaa adeegsaday madaafiic waaweyn oo qaar kood ku dhacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha xili dadku ay inta badan ka hoyaadeen suuqa.

Dagaalkan xoogiisa ayaa ka dhacay isgoysyada Florence iyo xaafadda Xararyaale.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kala gaaray dhinacyadan dagaalku dhexmaray.

Add New Comment