Hordhac
Mahad dhammaanteed
waxaa leh Allah, uguna mahadineynaa nicmooyinkiisa faraha badan kuwooda inoo
muuqda iyo kuwa aan inoo muuqanba .Naxariis iyo nabadgelyo nebi Maxammed
korkiisa Allah ha yeelo .Intaa ka dib waxaan qoraalkan si kooban ugu soo
koobayaa Udxiyada iyo Axkaamteeda.Udxiyada waa cibaado aad u weyn oo loo baahan
yahay inay walaalaha muslimiinta ah bartaan islamarkaana ay dhaqan geliyaan.
Waxaan qoraalkan ku soo koobi doonaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
Macnaha
Udxiyada
Udxiyada waa Xoolaha(geela,lo’da iyo Ariga) la gowraco maalinta
ciidda(Ciidul ad-xaa) ama maalmaha tashriiqa(11,12,13 bisha Xajka), iyadoo
Ilaahay loogu dhowaanayo
Ujeeddada ka Dambeysa Udxiyada (xikmaddeda)
Xikmadda ama ujeeddada looga dan leeyahay udxiyada waxaa weeye 1- in
gowracan Ilaahay loogu dhowaado. Ilaahay wuxuu yiri
(قل إنّ صلاتي ونسُكي ومحياي ومماتي للّه ربّ العالمين ) الأنعام :162
Macnaha Aayadda: ( Waxaad tiraahdaa Nebi Muxamadow Salaaddeyda, gowracayga ,nolosheyda iyo
geerideyda dhammantood Ilaahay baa iska leh)
2- Xikmadda labaadna waa noleyn waddadii Aabbihii Ahlu Towxiidka Nebi
Ibraahim Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Ilaahay ayaa u waxyooday nebi Ibraahim
inuu gowraco wiilkiisa Ismaacil, dabadeedna uga furtay wan weyn oo xag Allah
looga keenay. Wankaas ayuuna gowracay, Ilaahayn uu ka badbaadiyey nebi Ismaacil
gowracii (Eeg qisadaas Suuratu saafaat aayadda 83-111)
Goormaa
La gowracayaa Udxiyada
Waqtiga gowraca udxiyada wuxuu ka bilaabmayaa Salaadda Ciidda (Ciidul
adxaa) ka dib, waxaan la gowrici karaa udxiyada qofkii maalinkaas ay u
suurageli wayso Seddeda maalmood ee Ciidda ku xiga (11,12,13) bisha dul xaj ee
loo yaqaan Ayaamu tashriiq( Maalmaha hilba waradka). Nebiga wuxuu yiri :
( من ذبح قبل الصلاة فإنما ذبح لنفسه, ومن ذبح بعد الصلاة فقد تم نسكه وأصاب
سنة المسلمين) رواه البخاري في كتاب الاضاحي.
Macnaha Xadiithka: (Qofkii gowraca udxiyada Salaada Ciidda ka hor wuxuu u
gowracday naftiisa, qofkiise gowraca salaadda ka dib waa dhammeystirmay
gowraciisa, wuxuuna ku taagan yahay waddadii muslimiinta)
Wuxuu kaloo nebig naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Allah ha yeelee yiri:
( وفي كل أيام التشريق ذبح) أخرجه
أحمد وابن حبان في صحيحه والبيهقي في السنن الكبرى . قال ابن حجر:( أخرجه أحمد
,ولكن في سنده انقطاع ووصله الدارقطني ورجاله ثقات) فتح الباري ج10 ص :11
Macnaha Xadiithka: ( Maalmaha tashriiqa(11,12,13) oo dhan waa la gowrici
karaa udxiyada). Waxaase fadli badan in la gowraco Maalinka ciidda salaadda
dabadeed sida nebiga uu yiri:
( إن أول ما نبدأ به من يومنا هذا
أن نصلي , ثم نرجع فننحر) رواه البخاري في كتاب الأضاحي.
Macnaha Xadiithka: ( Waxa ugu horreya ee aan Maalinkeenna (maalinka
Ciidda) aan ku bilaabaneyno waxaa weeye inaan salaadda ciidda ah aan tukanno
dabadeedna aan udxiyadii aan gowracno).
Xukumka
Udxiyada
Culimada waxay isku khilaafeen Xukumka udxiyada inay tahay waajib iyo
inayan ahayn. Culimada intooda badan(Jamhuurul culamaa sida Imaam Maalik ,
Shaafici iyo Sida ku caanka ah Mad-habka Xanbaliyada waxay qabaan inay tahay Sunno la adkeeyey ee
aysan waajib ahayn. Waxaase jira Culimo kale oo u arkaya gowraca udxiyada inay
waajib tahay, culimadaana waxaa ka mid ah Abu xaniifa, qowl uu leeyahay Imaam
Axmed, sidaas ayuuna doortay sheekhul islaam ibnu taymiyah. Labada qolaba waxay
aragtiyooyinkooda ku xoojiyeen daliilo cad cad oo aanan halkan ku soo aruurin
Karin qoraalka oo dheeranaya awgeed. Waxaase Xasuusin mudan in xataa culimada u
aragta in Xukumka udxiyada ay tahay sunno la adkeeyey ay qabaan in ay karaaho
tahay(ayna wanaagsaneyn) qofka awooda inuu gowraco inuu ka tago.
روى البخاري ومسلم (أنّ النبي صلي الله غليه وسلّم, ضحّى بكبشين أملحين
أقرنين, ذبحهما بيده, وسمَّى وكبّر)
Macnaha Xadiithka (Nebiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Allah ha
yeelee wuxuu gowracay laba wan oo Modow iyo Caddan isku jir ah(Midab ahaan)
geesana leh. Nebiga gacantiisa ayuu ku gowracay isagoo markuu gowracyey yiri :
bismillah, Allahu akbar.
Xoolaha
loo gowraco Udxiyada
Xoolaha udxiyo ahaan loo gowraco waa geela, lo’da iyo Ariga, Xoolo ahaan
seddexdaa waxaan ahayn looma gowracayo udxiyo ahaan.
قال تعالى: (ولكلّ أمة جعلنا منسكاً ليذكروا اسم الله على ما رزقهم من بهيمة
الأنعام) سورة الحج: 34
Macnaha Aayadda ( Ummad walba waxaan u yeelnay Mansak(gowrac) si ay
Ilaahay magacii ugu xusaan marka ay xoolaha Ilaahay ku arsuqay ay gowracayaan)
Ibnu kathiir wuxuu yiri : Bahiimatul ancaam waxaa loola jeeda geela,
lo’da iyo ariga (tTasfiir ibnu kathir, Juska 3 pogga 294)
روى مسلم عن جابر أنّ رسول الله صلى الله عليه وسلّم , قال: ( لا تذبحوا إلا
مسنة, فإن تعسر عليكم فاذبحوا جذْعةَ من
الضأْن)
Macnaha Xadiithka Nebiga wuxuu yiri ( Ha gowrcina udxiyada neef weyn
mooyee , haddiise aad awoodi weysaan inaad gowracdaan neef weyn gowraca neef
ari ah oo Sannad jir ah)
Musinnah waa neefka weyn, markuu geel yahay waa shan jir, markuu lo’
yahayna waa laba jir, ariga iyo idahana waa sannad jir( Fiqhu sunnah: juska 3,
bogga :320
Neef keliya oo ari ah ayaa ku filan qofka inuu naftiisa iyo ehelkiisaba
udxiya ahan uga gowraco.
قال عطاء بن يسار : سألت أبا أيوب
الأنصاري: كيف كانت الضّحايا علي عهد رسول الله صلى الله عليه وسلّم . فقال: إن
كان الرّجل يضحّي بالشّاة عنه وعن أهل بيته فيأكلون ويطعمون)أخرجه الترمذي في
الأضاحي وقال حديث حسن صحيح
Macnaha Xadiithka; Cadaa ibnu yasaar ayaa wuxuu yiri waxaan weydiiyey abu
ayuub alansaari qaabka ama habka udxiyada loo gowrici jiray waqtigii nebiga
,wuxuu igu jawaabay :Qofka udxiyeynaya ayaa neef ari ah ka gowraci jiray
naftiisa iyo reerkiisaba markaasey qaarna ka cuni jireen, qaarna ay dadka ku
quudin jireen.
Waxaa iyadana bannaan in la wadaagi karo Udxiyada haddii uu yahay neefka
la gowracayo geel ama lo’, taasoo macnaheedu uu yahay in neefka geela ama lo’da
ah ay wadaagi karaan 7 qof.
عن جابر قال: ( نحرنا مع النبي, صلى
الله عليه وسلم , بالحديبية البدنة عن سبع , والبقر عن سبعة) رواه مسلم وأبو داود
والترمذي.
Macnaha xadiithka ( Jaabir wuxuu yiri: Waxaa wadaagay gowraca neefka
geela maalinkii xudeybiya todaba qof sidoo kale neefka lo’da ah
Tilmaanta Neefka Udxiyada loo gowracayo
Neefka udxiyada loo gawracayo waa inuu yahay neef aan ceeb lahayn, waxaan
la oggoleyn in lagu udxiyeysto neef buka ama il la’ ama dhutinaya , ama weyd
ah(caato ah) iwm
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم :( أربع لا تجوز في الأضاحي : العوراء
البيّن عورها , والمريضة البيّن مرضها , والعرجاء البيّن ظلعها , والعجفاء التي لا
تنقي) رواه أصحاب السنن , وصححه الترمذي وابن حبان , وصححه الألباني أيضاً في
الإرواء 4/360 رقم 1148)
Macnaha Xadiithka : (Nebiga wuxuu yiri: Afar nooc oo xoolaha ka mid ah
kuma bannaana in udxiyo ahaan loo gowraco. 1- Neef il la’ oo il la’aantiisu ay
muuqato. 2- Neef buka oo bukaankiisa uu muuqdo. 3- Neef dhutinaya oo
dhutintiisa ay muuqato ,neef weyd ah (caato ah) oo aan dhuux lahanyn.
Xadiithka waxaan ka fahmaynaa in neefka loo gowracayo udxiyada uu yahay
neef ka fog ceebaha xagga abuurka ah oo dhan, maxaa yeelay gowracan waxaa loogu
dhowaanayaa Allah. Allahna wuxuu aqbalaa
wixii dayyib ah.
Habka loo gowracayo neefka udixiyada
Waxaa sunna ah oo wanaagsan qofka udxiyeynaya inuu gacantiisa uu ku
gowraco udxiyada oo uu inta cagta luqunta ka saaro uu gowraco isagoo oranaya
Bismillaahi , Allahu akbar.
عن أنس رضي الله عنه قال: (ضحّى النبي صلى الله عليه وسلّم بكبشين أملحين ,أ
قرنين وذبحهما بيده , وسمّى وكبّر , ووضع رجله علي صحافهما) رواه البخاري
Macnaha Xadiithka: Anas Allah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri: (nebiga
wuxuu ku udxiyeystay(gowracay) laba wan oo caddaan iyo madow isku jira ah,
geeso leh, gacantiisa ayuuna ku gowracay isagoo leh Bismillah, Allahu akbar,
wuxuu cagta saaray luqunta labada neef markii uu gowracayey)
Haddii qofka udxiyeysanaya uusan garaneyn qaabka wax loo gowraco, waxaa u
bannaan in qof kale u wakiisho inuu u gowraco, waxaana wanaagsan inuu isagu
goob joog ahaado marka neefk la gowracayo.
Qaabka loo qeybiyo neefka Udxiyada
Waxaa sunnah ah oo wanaagsan in neefka la gowracay hilibkiisa qaarna uu
ka cuno qofkii udxiyesanayey, qaarna uu saddaqeysto, qaarna uu haddiyeeyo
Nebiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Allah ha yeelee wuxuu yiri:
( كلوا وادّخروا وتصدّقوا) متفق
عليه
Macnaha Xadiithka: Nebiga wuxuu yiri ( ka cuna hilibka udxiyada qaar,
qaarna keysada, qaarna sadaqeysta)
Haddii uu wada sadaqeysto qofka udxiyada gowracay waa uu heli karaa oo
way u bannaan tahay, sidoo kale waxaa u bannaan inuusan cidina wax uga
haddiyeyn oo uu wada cuno.
Waxaase kheyrka ku jiraa in hililbka udxiyada masaakinta wax laga siiyo,
sidoo kale qaraabada,saaxibbada, oo weliba horay loo siiyo oo maalinta ciidda
ahba la qeybiyo sidaas ayaa fadli badan( Fataawa Allajnat
Adda’imah : juska 11, bogga: 423)
Waxa
looga baahan yahay qofka doonay inuu udxiyeysto
Waxaa loo jideeyey qofka doonaya inuu udxiya gowraco marka ay bilato
bisha dul-xij inuusan timiisaha xiirin amaba uusan gaabin, sidoo kale inuusan
ciddiyihiisa jarin, waxaan arrinkaas tusaya xadiithka imaamu muslim ku weriyey
saxiixiisa.
(من كان له ذبح يذبحه فإذا أهل هلال ذي الحجة فلا يأخذنّ من شعره ومن أظفاره
شيئاً حتى يضحّي) رواه مسلم وأبو داوود والنسائي.
Macnaha Xadiithka: (Qofkii doonaya inuu gowraco udxiya, marka ay bisha
dulxij bilato,yuunan waxba ka goyn timihiisa iyo ciddiyihiisaba inta uu
udxiyadiisa ka gowracayo.
Diididda loo diiday in timaha iyo ciddiyaha la jaro waxay ku gaar tahay
oo keliya qofka isaga gowracaya udxiyada ee
kuma jiraan dadka uu ka gowracayo sida xaaskiisa iyo caruurtiisaba.
Haddiise ay dhacdo qofkii udxiyada gowracayey inuu ula kac u jaro timihiisa ama
ciddiyihiisa la oran mayo ha joojiyo gowricii udxiyada, hase yeeshee waa inuu
ka towbad keenaa khilaafka uu khilaafay amarka nebiga naxariis iyo nabad gelyo
korkiisa ha ahaatee, udxiyadiina uu gowracaa.
Culimada qaar ayaa waxay leeyihiin xikmada ka dambeysa inuusan qofka
taaban timiisa iyo ciddiyihiisa waxay tahay, qofka udxiyeysanaya wuxuu
shaabahaa ( u eg yahay) sida qof Muxrim ah ( oo xaj ama cumro xarmaday), marka
maadamaa ay isaga eg yihiin gowraca Allah loogu dhowaanayo, ayaa qofkii
udxiyada gowracayeyna la siiyey qaar ka mid ah axkaamtii qofkii muxrimka ahaa.
Udxiya ma laga gowrici karaa qof geeriyooday
Guddiga joogtada ah Fataawada ee sucuudiga waxay fatwoodeen inay bannaan
tahay in qof geeriyooday laga gowraci karo udxiyo waxayna yiraahdeen.
( Muslimiinta waxay isku raaceen
jiritaanka udxiyada iyo inay asal ku leedahay diinta, waxaana bannaan in
qofka geeriyooday laga gowrici karo udxiyo, waxaana arrinkaas u daliil ah oo
tusaya xadiithka nebig uu yiri:
(إذا مات ابن آدم انقطع عمله إلا
من ثلاث : صدقة جارية , أو علم ينتفع به , أو ولد صالح يدعوا له) رواه مسلم وأبو
داود والترمذي والنسائي و البخاري في الأدب المفرد
Macnaha xadiithka: ( Ina Adam haddii uu geeriyoodo camalkiisa waa go’ aa
seddex mooyaane; Saadaqa jaariya ah (sadaqa socota oo aan go’in), cilmi lagu
intifaaco, iyo ilmo wanaagsan oo qofkii dhintay u soo duceeya)
Gowraca udxiyada wuxuu ka mid yahay Saddaqada jaariyada ah taasoo ay ka
wada faa’ideysanayaan qofkii gowracay iyo kii geeriyooday ee laga
gowracay.) Fataawa lajnatu daa’imah,
juska 11, bogga: 417-418
Sheekh Maxamed Saalix Ibnu Cutheymiin wuxuu yiri:
( Qofka geeriyooday waa laga gowrici karaa udxiyada haddii uu isagu
dardaamay 1/3 maalkiisa ka mid ah in looga udxiyeyo. Haddiise qofka geeriyooday
udxiyo tabaruc ahaan loogu keli yeelo ma aha sida sunnada waafaqsan. Maxaa
yeelay nebigii hortii waxaa geeriyooday Adeerkii Xamzah, xaaskiisa
khadiijah,iyo seddex gabdhood iyo seddex wiil oo uu dhalay, mana soo aroorin oo
lama hayo inuu nebiga mid iyaga ka mid ah udxiyo si gaar ah ugu tabarucay.
Haddiise qofka udxiyada gowracaya uu niyoodo inuu naftiisa iyo ehelkiisa inta
nool iyo inta geeriyootayba ka udxiyeeyo waa ku filan tahay dhammaantood): Axkaamul
udxiyah, Ibnu cutheymiin, bogga:3
Sida ka muuqata fataawada Lajnatu daa’imah iyo Sheekh Maxamed Saalix Ibnu
Cutheyrmiin, waxaa bannaan in laga qeybgelin karo qofka ehelka ah ee dhintay
udxiyada, ajarkiina uu wax ka helayo.
Gunaanad
Walaalayaal mar haddii aan ogaannay ahamiyadda ay leedahay udxiyada,
tahayna Cibaado Ilaahay loogu dhowaado, waxaan nafteyda iyo idinkaba u
dardaarmayaa inaan nooleyno cibadadaas una gudanno sida waafaqsan qaabkii uu
nebiga uu inoogu tilmaamay. Ujeeddada qoraalkanna wuxuu ahaa in walaalaha
soomaliyeed si kooban ugu soo aruuriyo
Axkaamta udxiyada. Qofkiise doonayaa faahfaahin intaa ka badan ha u laabto
kutubta axaadiithta iyo fiqhiga oo si fiican u qaada dhigtay Axkaamta Udxiyada.
Waxaa qoray: Sheekh Cusmaan Xaaji Maxamed (Madad)
E-mail: [email protected]
المصادر
والمراجع (References)
1-القرآن الكـريم
2- صـحيح البخاري مع فتح الباري
3-
صـحـيح مســلم
4-
سـنن أبو داود
5-
سنن الترمذي
6-سنن
النسائي
7-
الأدب المفرد
8-
إرواء الغليل
9-
فقه الســنة
10-
فتاوى اللجـنةالدائمة
11-
أحكام الأضحية للشيخ ابن عـثيمين