Ciidamo Itoobiyaan ah oo Magaalada Muqdisho ka wada Dhaqdhaqaaqyo u eg in ay baxayaan

bixidda ciidanka itobia.jpg
  Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka waxay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, iyadoo dhaqdhaqaaqyadaasina ay u muuqdaan kuwo ay uga guurayaan fariisimo ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo  ku sugnaa Isgoyska Towfiiq iyo Daarta Somali Post ee ku dhow ayaa saaka halkaas isaga guuray, waxayna u dhaqaaqeen dhanka Isgoska Cali Kamiin, halkaasi oo ay dhaqdhaqaaqyo kale ka wadaan.

Dad ku dhaqan nawaaxiga Isgoyska Towfiiq oo aan la xiirnay ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka markii ka baxayeen xaafadahooda ay qaadeen wax kasta oo ay saanad ahaan horay ugu soo dhigteen, xitaa waxay sheegeen in ay qaateen joodariyo iyo alaabo kale oo ay horay ula yimaadeen.

Meelaha ay ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa lagu arkayay dad aad u faro badan oo soo eegayay guryahooda oo ku yaala nawaaxiga Isgoyska Towfiiq, kuwaasi oo ay uga guureen sabab la xiriirta iyagoo ka baqay in ay dhibaato u geystaan Ciidamada Itoobiyaanka kadib marka la soo weeraro.

Dhanka kalena, Wararka naga soo gaaraya Deegaannada Km13 iyo Ceelasha Biyaha ayaa waxay sheegayaan in ay saaka halkaas ka gudbeen Ciidamo wata gaadiid tiro badan, kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo baxeen Xeradii Asluubta oo ay in  muddo ah deganaayeen.

Dhaqdhaqaaqyada bixitaanka u muuqda ee ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo dhawaan Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyay oo ay uga baxayaan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamada Itoobiyaanka Soomaaliya ka wada bixi doonaan ka hor 19-ka bishan December.

Add New Comment