Maamulka Puntland oo sheegay in Heshiiskii Jibouti uu ahaa mid lagu dhabar jebinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya



Maamul Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in uu ka soo horjeedo heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulkaas Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Jen.Cadde) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ee xarunta u ah Gobolka Nugaal ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid lagu dhabar jebinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Cadde waxaa uu sheegay in heshiiskaas oo uu sheegay in uu u daneynayo koox gaar ah aan Puntland laga siinin xuquuqdii ay ku lahayd, sidaas darteedna wuxuu caddeeyay in Puntland uu ka soo horjeedo Heshiiskaas.

Hadalka uu sii daayay Madaxweyne Cadde Muuse ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu sheegay in Jibouti ay ku heshiisay Beel gaar ah, isagana uusan heshiiskaas u arkeynin mid Soomaali dan u ah.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Jibouti ku gaareen heshiis awood qeybsi ah Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, iyadoo ay labada dhinac ku heshiiyeen in la dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran oo Baarlamaankeeda uu ka kooban yahay 550 Mudane.

Add New Comment