Dowlada Uganda oo sheegtay in ciidamdeeda aysan Soomaaliya kala bexeeyn xitaa Ciidamada Ethiopia hadii ay ka baxaan Soomaaliya.

Dowlada Uganda oo ciidamo aad u farabadan ay ka joogaan dalka Soomaaliya marka loo eego midowga Africa ayaa waxaa ay sheegtay in ciidamadeeda ay baaqi ku sii ahaan doonaan gudaha dalka Soomaaliya xitaa hadii ay ciidamada Ethiopia ka baxaan Dalka Soomaaliya.

 Afahayeenka Ciidamada Dalka Uganda Major Paddy Ankunda isagoo u waramayay Idaacada VOA ayaa sheegay in aysan dowlada Uganda Qorshaha ugu jirin in dalka Soomaaliya ay kala baxdo ciidamadeeda nabad ilaalinta u jooga isla markana ay sii joogayaan inta uu ka dhamaanayo waqtiga ay midowga Africa ugu tala galeen.

 Hadalka ka soo yeeray dowlada Ethiopia ee ahaa in dhamaadka Sanadkani ay ciidamadeeda gaaraya kumaanka askari ay kala bexeeyso gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay culeeys  xoogan galisay wadmaada Africa in ay ciidamo nabad illaalin ah u soo diraan gudaha dalka Soomaaliya.

 Ciidamada Midowga Africa ee loo yaqaan AMISOM ayaa waxaa ay dalka Soomaaliya yimaadeen horaantii Bishii January kuwasi oo dalka Soomaaliya u yimid nabad illaalin waxana magaalada Muqdisho oo fariisin ay ka sameysteen ay tahay mid aan nabdooneeyn.

 Saraakiil ka mid ah ciidamada dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa la filayaan in ay todobaadkani kulan ka yeeshaan sidii ciidamadooda dalka Soomaaliya ka jooga ay u badali lahaayeen.

 
Aqriso oo la soco SilGor.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

Add New Comment