Xoogagga Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fariisin ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Burundi

Xoogagg ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen labo goobood oo ku yaala Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo kala ah Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Kuliyaddii Jaalle Siyaad oo ay degan yihiin Ciidamada Burundi ee Magaca Amisom uga howlgelaya Magaalada Muqdisho.

Labadaas weerar oo ahaa kuwo madaafiicda iyo rasaasta la isugu adeegsaday laga maqlayay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, inkastoo saaka ay ciidamada Dowladda joojiyeen dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ee waddooyinka hormara xarumahaas la weeraray.

Sarkaal u hadlay Dhaqdhaqaaq Al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaas ka dambeeyeen, isla markaana ay khasaare u geysteen  Ciidamadii ku sugnaa goobihii ay weerareen.

Weerarka xalay lagu qaaday fariisinka Ciidamada Burundi ee Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo beryahan si weyn loo hadal hayo in ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa mas’uuliyiin u hadlay waxay horay u sheegeen in xitaa haddii ay baxaan Ciidamada Itoobiya aysan joojin doonin weerarrada ay ku qaadaan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka  iyo kuwa Amisom, ilaa ay iyana ka saaraan Magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee ay kaga sugan yihiin Dalka Soomaaliya.

ciidanka Al-shabaab.jpg

Add New Comment