Melles Zenawi oo fadeexad wajahday

Ra'isulwasaaraha Ethiopia Mr Melles Zenawi ayey sii kordhayaan fadeexado ka wajahay hadal uu baarlamaanka dalkiisa ujeediyay Khamiistii bishan.

Dowladaha Uganda iyo Brundi ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay erayada uu Melles Zenawi ugu khudbeeyay baarlamaanka Ethiopia uuna ku sheegay inay Ciidamadiisa ugu nagaanayaan Somalia si ay u sugaan nabadgelyadda Ciidamadda AMISOM.

"Ciidamadeena amaanka iyagaa suga ee lama sugo amaankooda,waana la yaab hadalka Ra'isulwasare Zenawi u jeediyay baarlamaankiisa"ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Brundi oo warkooban siiyay Saxaafadda.

Wasiirka Gaashandhigga Uganda ayaa naqdiyay hadalka Melles Zenawi wuxuuna sheegay in Ciidamadda dalkooda u joogaan Somalia hoowlo nabadsugid oo ku saleysan dalabka Qaramadda Midoobay.

"Ciidamadda Amisom way joogayaan Somalia,cidii tiri way baxayaana waxay ila tahay inay fadeexad ku tahay"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Uganda.

Diblomaasiyiinta reer Galbeedka ayaa warka Zenawi ku masaalay mid uu ku qaldayo baarlamaanka Dalkiisa ama dhinaca kale uu beesha Caalamka kaga doonayo dhaqaalo".zanawi.jpg

Waxay ila tahay inay fadeexad wajahday Melles Zenawi,dabcan wuxuu ku hadaaqay erayo lala yaabay oo caqliga degan ka fog"sidaas waxaa yiri diblomaasi reer Galbeeda oo ku sugan Geeska Africa.

Baarlamaanka Ethiopia ayaa laga yaabaa inuu dib ugu yeero Melles Zenawi si uu wax kaga waydiiyo khudbadiisii beenta ku dhisneed waxa ku qasbay,sida ay Waagacusub u sheegeen siyaasiyiin ku sugan Addis Ababa.

Xukumadda Ethiopia kuma fiicna xaajada tan iyo markii ay dalka Somalia gelisay kumanaan Ciidan Melleteri oo lagu eedeyay inay ku kacaan falal xasuuqa oo ka baxsan Xaquuqul Insaanka,waxaana walaaca ugu badan ka heystaa Xukumadda cusub ee Washington oo Melles Zenawi ka cabsi qabo inay Maxkamad ku oogto,kagana boodo jaalnimada siyaasadeed ee la dagaalanka argagixisada Somalia maadama uu salaanka ka sii degayo Bushka dhiiga badan ka daadshay dunida Islaamka.

Add New Comment