Haddii ay Ciidamada Itoobiya qorsheystaan in ay ka baxaan Soomaaliya Ciidamada Midowga Afrikana way baxayaan

  Haddii Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, Ciidamada Midowga Afrikana wey ka bixi doonaan Soomaaliya maxaa yeelay kama joogaan Soomaaliya tiradii loo baahnaa”sidaas waxaa yiri James Mugume  oo ah Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda.ciidamada uganda.jpg

Dowladda Itoobiya ayaa dabayaaqadii bishii November ee sanadkan waxay sheegay in ay ciidamadeeda shuruud la’aan kala baxeyso Soomaaliya inta uusan dhamaanin sanadkan.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa Khamiistii shalay ahayd waxaa uu Baarlamaanka Dalkiisa ka hor sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ay ka baxayaan Soomaaliya, isagoo weliba caddeeyay in ay Dowladaha Burundi iyo Uganda oo ay Muqdisho ciidamo ka joogaan ka codsadeen in ay ka gacan siiyaan bixitaankooda.

Itoobiya ayaa waxay Ciidamo tiro badan u dirtay Soomaaliya sanadkii 2006 si ay xukunka uga tuuraan Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka oo xiligaasi awooddooda ay ku baahsaneyd Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hayeeshee tan iyo xiligaas waxay ciidamada Itoobiya la kulmaan weerarro uga yimaado dhinaca xoogag wax iska caabin ah oo magacyo kala duwan leh.

Hadalka uu sii daayay Sarkaalkan u hadlay Dowladda Uganda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay Dowladda Itoobiya qorsheyneyso in ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo taasina laga dheehan karo wel wel ay dalalka Uganda iyo Burundi ka muujinayaan bixitaanka Ciidamada Itoobiya.

Add New Comment