Melles Zenawi oo baarlamaanka Itoobiya ujeediyay khudbad ku aadan ka bixitaanka ciidamadiisa ee Soomaaliya


Ra'isulwasaaraha Ethiopia ayaa baarlamaanka Dalkiisa u sheegay inay Xukumadiisa oo tixgelineyso codsi kaga yimid dalalka Uganda iyo Burundi aawadeed dib u dhigtay go-aankii uu Ciidamadda ugala bixi lahaa Somalia."Uganda iyo Bzanawi1.jpgurundi ayaa naga codsaday inaan sugno inta ay Ciidamadooda kala baxayaan Somalia,waxayna diyaarinayaan Maraakiib iyo diyaarado si ay bad iyo berri ugu daad gureystaan Ciidamadooda iyo dabaabadyada ay wataan"ayuu yiri Melles Zenawi.

Ra'isulwasaare Zenawi oo khudbadiisa la yaab ka dhigan,wuxuu xusay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Midowga Africa laakiin uu go-aanku yahay in Melleteriga Ethiopia laga saaro Somalia.

Hadalka Zenawi ayuu war aan jirin ku sifeeyay Taliyaha Ciidamadda Uganda ee Mogadishu,wuxuuna Jeneralka heysta oo la hadlay Waagacusub tibaaxay inaysan jirin qorshe cad oo Ciidamadda AMISOM uga baxayaan Somalia.

Add New Comment