Ciidamo midowga maxaakiimta islaamka ka tirasan oo maanta dhoola tus ku sameeyey qeybo ka ka mid ah Magaalada Muqdisho

Ciidamo la sheegay in ay horey u taabacsanaa sh cabduqaadir Cali Cumar oo ka goostay isla markaana ku biiray kuwa Ciidamda Midowga Maxaakiimta garabka fadhigodu yahay Magaalda Casmara ee Dalka Eritrea ee uu hogamiyo Xaaji Cumar IImaan Abubakar

Shirjara’id oo ay maanta ku qabteen Qaar kamid ah madaxda Ciidamadaas oo uu ka mid aha ash Yuusuf Maxamed SIyad Indha cade ayaa lagu sheegay in ay ka baxeen garabkii ay horay uga tirsanayeen ka dib markii ay sida ay shegeen ka waayeen in uu amro dagaala ihaad ah uuna tixgaliyey heshiskii Jabuuti ay ku gaareen qaar ka mid ah madaxda Midowga Maxaakiimta iyo Dowlada fadaraalka KMG Somaliyeed

Maanta galinkii danbe ayaa lagu soo bandhigay Ciidamo ku hubeysan gawaarida tiknikada iyciidan5.jpgo hubka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo dhoolatus ku sameeynayey meel ka baxsan Magaalada Muqdisho agagaarka suqa damoole ee duleedka Suuqa Xoolaha waxaana goobjoog ka ahaa xoghaayaha gaashaandhiga ee Maxkamadaha Islmaaka Sh Yuusuf Maxamed Siyad Indha Cade oo isaga laftiisu garwaaxsanaa hub fudud bambooyin ay ka laalaadeen waxaana harerihiisa istaagnaa Ciidamo ku hubeysnaa qoryaha boobayaasha ah halka qaarkood wajiga u duubnaa iyo xubno kale.

Cidamadaan ayaa sheegay in sheekh Cabduqaadir Cali cumar uu ka leexday dagaalkii ay kul ajireen Cidiamada shisheeye oo ay ugu horeyaan kuwa Dowlada Ethiopia oo garab siinaya Ciidamada dowlada Fadaraalka KMG Somaliya waxayna ku eedeeyeen in u taabacsan yahay heshiikii Djabuuti ay ku gareen garabka ka mid ah garabyada isbaheysiga dib u xoreynta iyo dowlada fadaraalka KMG somaliya ee uu hogaaminayey gudoomiyahooda Sh Shariif Sheekh Axmed waxayna sheegeen in ay ka soo horjeedaan dagaalkana ay sii wadi doonaan inta ay ka baxayaan dhamaan ciidamada shisheeye gudaha dalka somaliya

Ciidamadaan ayaa waxaa magacoda ku hadlayey sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cisman Aroos “ Waxdagal ah oo ay na amrayaan aysan jirin wuxuuna hirgalinayaa heshiiskii shirkii Jabuuti sargaal sare oo ka tirsanaa xaagaga Midowga Maxaakiimta islaamka

Maxamed Cisman Aroon”walaalayaal Cidamadaan aad arkeysaan waa Ciidamadii Sh Cabduqaadir Cali Cumar waxaana hada go’aansanay in midowgii Maxaakiimta islaaamka uu hogaamiye u yahaya Dr Cumar Imaan Abuubakar isaga ayaana amiir noo ah Maanta wixii ka danbeeya “ka dib markii aan aragnay in uu ka baxay waxyaabihii loo dirirayey ayaan u leexanay halka uu xaqu jiro oo ah

Waxaa uu sheegay in ay go.aan ka tahay arintaa ayna taageerayaan cid kasta oo dagaal hubeysan kala so horjeedo Ciidamada shisheeye ee jooga gudaha Dalka Somaliya

Sidoo kale Mas.uuliyiintii halkaa ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sh Xasan Mahdi gudoomiyaha wafdiga ka yimid Magaalada Casmara ee dalka ereteria hada matalayo madaxa ciidamada gudaha ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay ku sii fidayaan gobo cusub oo ka mid ah dalka somaliya oo ay ka mid yihiin feer feer .balanbale .jawiil .kala beyr

Sh Xasan Mahdi ayaa sheegay in baryahaanba la hadal haayey in ay baxayaan ciidamada Ethioopia Wuxuuna intaa ku daray in shacbiga lag adhaadhiciyey arintaa taa badalkeeda uu yiri waa isbalaarisay Ethiopia oo dhul cusub ayey ba qabsatay wuxuuna cadeeyey in aysan baxay ilaa shacbiga somaliyeed ay gacmaha is qabsadaan oo ay midoobaan

Wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay nimankii shalay horkacayey mujaahidiinta ee mas.uuliyiinta ahaa in ay maanta sabab u noqdaan soo galitaanka cidanka Ethiopia iyaguna ay codsadeen in aysan bixin ilaa ciidamo kale oo gaalo ah la keeno dalka somaliya si uu hanti u helo “

Wuxuuna ugu baaqay somalida meel kasta oo ay joogaanba dalka iyo dibada in ay gacmaha isqabsadaan kana hortagaan gaalada oo uu ku tilmaamay caodowga ilaahey la dagaalamaan si ay u difaacaan diintooda iyo dalkooda

Sh Xasan Mahdi “waxaad la socotaan maalinkii uu so galay dalka Melez zenawi wuxuu yiri 10 casho ayaan uga baxayaa dalka somaliya waana wax u horey u dhihi jiray marka lacagtu ka dhamaato

Ciidamadaan iyo madaxdi la socoay ayaa dhamaan cadeeyey mowqiifkooda ku adan imaanshaha sh shariif iyo la kulanka qaar ka mid ah madaxda dowlada fadaralaka KMG somaliya iyaga oo door biday in ay u weecdaan dhanka Dr Cuma Iiman abuubakar amiir

Dhanka kale wuxuu ka hadlay Sh Xasan Mahdi arimaha burcad badeedka iyo shirka ka furkay Magaalda Nairobi ee dalka Kenya wuxuuna ku tilmaamay wax lagu qoslo in 140 dowladood ay u shirayaan xeebaha somaliya in laga celiyo wiilal doonyo ay ku dahcayaan maraakiib noocyo kala duwan ah

Wuxuuna sheegay in ay ka war qabaan burcad badeeda in ay sameeyaan wadamo ay k amid yihiin maraykanku waxaana ay rabaan in ay wadanka qabsadaan ayuu yiri

Markii badii la gubay oo suntii lagu aasay kaluunkii laga dhameystay ayaa la rabaa in bariga hadana la xalufiyo

Sh Xasan Mahdi wuxuu ugu baaqay sidoo kale walaaha mujahidiinta ee dagaalka ku jira in ay midoobaan iskana daayaan khilaafka


Add New Comment