Yeey yihiin Burcad Badeeda., yaa hubeeya, waa imisa qeyb, sidee wada xaajoodka u dhacaa, waa kuma wada xaajoodaha iyo sidee lacagta loogu geeyaa?

Burcad Badeednimada ka socota biyaha Somalia, ayaa darenkii caalamka kusoo jeediyay dalka Somalia, sababtuna waxay tahay falalkooda oo ah kuwa qeyrul caadi ah.

Burcad badeednimada waxay markii hore ka bilaabatay xeebaha Koonfurta Somalia, laakiin sanadii 2007 xoogeeda waxa ay u dhaqaaqday dhinaca waqooyi gaar ahaan xeebaha Puntland.

Ugu horeyn, falalka burcad badeednimada ayaa ka yimid dagaalka ka dhanka ah kalluumeysatada shisheeye ee xeebaha Somalia ka kalluumeysan jiray, kadibna burcad badeednimo ayay sheekada isku bedeshay, markii lacagta faraha badan la arkay.

Burcad Badeeda Somalia iskuma arkaan Burcad Badeed, waxay yiraahdaan 20081186336175434550100002314.jpgxeebaha ayaanu ilaalinaa.

Xagee ayay hubka ka helaan?.

Dalka Yemen ee ku teedsan gacanka cadmeed, ayaa la rumeysan yahay halka hubka ugu badan ay burcad badeeda Soomaalida ka helaan
Sidoo kale hubka qaarkiisa ayaa waxa ay burcad badeeda si toos ah uga soo iibsadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dad arrimahan xog ogaal u ah ayaa sheegaya in dad hubka ka ganacsada oo jooga magaalada Muqdisho ay hubka u diraan burcad badeeda, kadibna lacagtooda loo soo dhigo xawaaladaha.

Waxaa lagu warramay in xilliyadii hore rag qani ah oo fadhigoodu yahay Dubai ay burcad badeeda maal gelin jireen, laakiin iminka waxaa la lee yahay 'raggaasi ayaa burcad badeeda deyn weydiista'.

Maskax, Awood iyo Farsamo
Burcad Badeeda Somalia waxa ay ka koobmaan dhallin yaro saddex qeyb ah oo da'doodu u dhaxeyso 20 illaa 35 sano. waxaana u geed Fadhiya Mohamed Abdi Hayir Afweyne.

·Kalluumeysato hore, kuwaasi oo loo arko inay yiyiin maskaxda howl galka burcad badeeda, sababtoo ah waxay garanayaan badda.

· Maleeshiyo, kuwaasi oo loo arko inay yihiin awoodda burcad badeeda, waayo waxay kasoo qeyb galeen dagaaladii hogaamiye kooxeedyada, mana ahan dad cabsada.

· Khuburo farsamo. Kuwaani waxay si wanaagsan u garanayaan, cilmiga computer-ka iyo sida loo howl geliyo qalabka casriga ah ee loo baahan yahay in badda gudaheeda uu ku shaqeeyo, sida taleefoonada satellite-ka iyo qalabka Militari
Saddexdaasi koox, oo uu wehliyo wada xaajoodaha ayaa kala qeybsada lacagta al helo.

Madax furashada

Burcad badeeda Somalia, waxa ay sameynayaan taajirnimo, ayaga oo afduubanaya Maraakiib, islamarkaana dalbanaya, madax furasho, si ay maraakiibtaasi iyo shaqaalaha saaraan usii daayaan.

Hal sarkaal oo sare, ayaa qiyaasaya in lacagtii sanadkan oo kaliya ay burcad badeeda Somalia heleen ay tahay $150 milyan oo madax furasho ah.

Cel celis ahaan markab kasta oo ay burcad badeeda Somalia afduubtaan waxay ku helaan laba milyan oo Dollar.

Sidee u dhacaa wada Xaajoodka.
Laakiin sidee loo sameeyaa wada xaajoodka burcad badeeda, lacagtana loogu geeyaa.

Waa sheeko ragga arrintan falanqeeya ay ku sheegeen inay noqon lahayd filim action ah oo Hollywood-ka qiimo badan ugu fadhin lahaa.

Wax macno ah ma lahan, hanaanka arrintan loo maro, waxaa inta badan ka shqeeya rag dhex dhexaadiyayaal ah.

Is aaminaada Burcad badeeda iyo dadka bixinaya lacagta Madax furashada ayaa arrinta oo dhan xudun u ah.

Fahad Xasan oo khibrad u leh arrimaha wada xaajoodka, ayaa sheegay in marka ay markabka fuulaan kadib, talaabada xigta ee burcad badeeda ay tahay inay xiriir la sameeyaan milkiilayaasha markabka.

"dhammaan documents-yada muhimka ah waxay saran yihiin markabka, sidaa darteed burcad badeeda waxay si sahlan ku ogaan karaan akhbaaraadka ay u baahan yihiin" ayuu yiri.

Inta badan wada xaajoodyada waxay ku dhacaan dhinaca Telefoonka, badanaa Telefoono Satellite, laakiin mararka qaar xitaa fariimaha qoraalka ayaa la adeegsadaa.

Wada xaajoodaha
Burcad badeeda wada xaajoodka iyaga ma sameeyaan, waxay shaqaaleystaan qof, badanaa qof ehel la ah ayaga, islamarkaana ay aamini karaan.

Arrinta ku saabsan markabka Sirius ee Saudi Arabia, waxaa ku guda jira laba wada xaajoodayaal. Mararka qaar waxa ay dul saaran yihiin markabka, mararka qaarna waxa ay ku sugan yihiin magaalada xeebta ah.

Wada xaajoodaha waa inuu si adag oo adag u shaqeeyaa, si lacagta madax furahada ah loo helo, taasi oo ah shaqo runtii aad u adag, waayo way adag tahay inuu farxad geliyo milkiilyaasha markabka iyo burcad badeeda.

Hase yeeshee marka lacagta la helo wada xaajoodaha waxa uu helaa samigiisa, si la mid ah Burcad badeeda, qof kasta oo afduubayaasha ka mid ahna waa la mid.

Sidee Lacagta loo bixiyaa.

Fahad ayaa yiri in Xilliyadii hore lacagta madax furashada lagu gudbin jiray xawaaladaha Soomaalida, lakiin iminka milkiilayaasha maraakiibta ay qortaan dhinac saddexaad, oo lacagta si toos ah ugu geeya burcad badeeda.

"waxa ay yimaadaan markabka ama burcadda ayay doomahooda ugu yimaadaan, si ay u wareejiyaan boorsada lacagta ay ku jirto" ayuu yiri.

"markaa kadib raggii lacagta keenay waa ay iska tagaan; waxa ay ka tagaan markabka si ay burcad badeeda ugu ogolaadaan inay lacagtooda xisaabsadaan ayna iska hubiyaan" ayuu sii raaciyay.

Qaar ka mid ah burcad badeeda waxay heystaan mashiinada lacagta lagu xisaabiyo iyo sidoo kale kuwa sheega lacagaha been abuurka ah.

Waxaa kale oo lagu warramay inay jirto laba mar oo lacagta madax furashada dusha sare diyaarad ama helicopter looga soo tuuray burcad badeeda.

Waxaa kale oo jirtay marar lacagta madax furashada laga qaaday garoonka diyaaradaha Wilson Airport ee magalaada Nairobi, ayada oo Somalia loogu qaaday diyaaradaha khaatka.

Shirkado Amni

Roger Middleton oo ku taqasusay Arrimaha Geeska Afrika, kana tirsan aqalka Chatham House ee Britain, ayaa sheegay in milkiilayaasha maraakiibta ay shaqaaleystaan xirfadlayaal, wada xaajoodayaal taqasus leh iyo shirkado amni, si ay u gudbiyaan lacagta madax furashada ah.
"badanaa waa kuwa horey uga tirsanaan jiray sirdoonkii hore ee Britain ama Australia, qaar ayaa xitaa u dhashay South Africa" ayuu yiri.

Intooda badan shirkadaha maaha kuwa la yaqan oo muuqada. Si kastaba waxaa jira xeerar aan la qorin oo shirkadahaas xaniba, hase yeeshee sheekooyinkooda lamaba sheego.

Sida la faham san yahay, kuwa arrintan ku lugt leh, waxa ay ka war qabaan baahida macaamiishooda iyo dalabyada ah inay sirta qariyaan, ayada oo bad baadada nolosha dadka ku lugta leh wada xaajoodka ay tahay muhiimadda.

Lacagta wada xaajoodka

Si kastaba, Mr. Middleton, ayaa sheegay in wada xaajoodka ay ku baxdo Hal milyan oo Dollar oo banaanka ka ah lacagta madax furashada.

"wada xaajoodayaasha xirfadleyda ah ee ka socda milkiilayaasha Markabka waxa ay qaataan qiyaastii $100,000 oo adeegooda ah, garyaqaanada waxay lacag dhan $300,000 ku qaataan xaqiijinta in shirkadaha maraakiibta aysan noloshodoa wax shaki ah gelin" ayuu sharaxay.

Xagee wada xaajoodku ka dhacaa?

Isaga oo ka hadlayay waxa ku dhaca sida qarsoodiga ah ee ku saabsan wada xaajoodka, arrimaha sharciga iyo ceymiska, Mr. Middleton waxa uu yiri in badanaaba ay ka dhacaan magaalada London.

Gavin Simmonds, oo ah madaxa Arrimaha caalamiga ah ee xarunta British Chamber of Shipping, ayaa isna ku raacay Middleton in wada xaajoodyada ay ka dhacaan London, isaga oo cadeyn ahaan u adeegsaday in London ay tahay xarunta hay'adaha Dhinaca badaha qaabilsan ee caalamka.

"Waxa ay u muuqataa in lacagta madax furashada ay gudbiyaan hay'adao fadhigoodu yahay London" ayuu hadalkiisa kusii daray.

Si kastaba, Mr Simmonds waxa uu yiri in xitaa uu maqlay warar sheegaya in mararka qaar la isku weydaarsado lacagta magaalada Dubai.
Boorsooyinka Lacagta.

Burcad Badeead waxay weydiistaan in lacagta madax furashada ay noqoto Dollar, gaar ahaan 100 ama 50 isku dheggan, sida ay sheegayaan kuwa khibradda u leh wada xaajoodyada.

Badmaaxe Kenyan ah oo la yiraahdo Athman Said Mangore oo 120 maalmood u xirna burcad badeeda Soomaalida ah ayaa sheegay in burcad badeeda Soomaalida ay sameeyaan dalabyo iyo shuruudo badan oo adag.

"Mararaka qaar waxay yiraahdaan waxaan dooneynaaa 208,000 oo Dollar oo kaliya boqol boqol ah" ayuu yiri.

"Ma aqaan sababta ay u sameeyaan dalabyada ceynkaas ah, xitaa sida caadiga ah ma jecla lacagta la daabacay sanadii 2000 ama sanadihii ka horeeyay.

Haddii lacagta ay tahay mid la daabacay 1999-kii, waxay yiraahdaan (tan suuqyadeena lagama qaato)" ayaa laga soo xigtay Antham
Mar alaale iyo markii ay milkiilayaasha maraakiibta lacagta diyaariyaan, shirkado ammaan oo gaar ah ayaa la wareega.

Shirkadaahasi amniga ayaa markaa kadib qaata doomo casri ah oo dheereeya, waxayna badanaa kasoo dhaqaaqaan dekedda Mombassa ee dalka Kenya, iyaga oo abaara biyaha Somalia.

Shirkadaha amniga waxay kale oo ay qaataan hub culus, si ay noloshooda u bad baadiyaan.

Marka lacagta madax furashada la bixiyo kadib, burcad badeeda waxay u dhaqaaqaan tirinta lacagta waxayna ogolaadaan in markabkii ama doontii la afduubtay ay si nabdoon ku baxaan.

"ciidamada shisheeye ee jooga xeebaha Somalia, waxa ay dabcan fikrad wanaagsan ka heystaan waxa socda, waxayna daawadaan doomaha ama maraakiibta afduuban' waxaa sidaasi yiri Mr. Middleton.


Waxa kale oo uu yiri in haddii ay jiraan wada shaqeyn ka dhaxeysa kuwa bixinaya lacagta madax furashada iyo ciidamadaasi aysan caddeyn.

Illaa iyo hadad ma cadda inta ay qaadan doonto sii deynta Markabka Sirius Star-markabakii ugu weynaa ee abid la afduubo- laakiin waxaa la isku raacay in wada xaajoodka uu noqon doono mid adag oo is bed beddel badan, sababtuna waxa ay tahay in saliida saaran markabka ay ku fadhiso lacag dhan $100m

Qoysaska 25-ka shaqaale ee markabkaasi saaran, ayaa iyaguna rajeynaya in burcad abdeeda ay ka dhabeyn doonaan balan qaadkoodi ahaa inuusan ku jirin wax dareen ah oo ay ku waxyeelaynayaan dadkaasi.
 

Add New Comment