Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho


Shiikh Shariif oo horkacayay Wafdi ay xubnahiisa kor u dhaafayeen 20 ruux oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho geysay diyaarad khaas ah oo ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Jibouti.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saraakiil ciidan iyo Wasiirro isugu jiray iyo dad aad u faro badan oo isugu jiray taageerayaasha Shiikha iyo weliba dad ay ehello yihiin, waxaana ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho si weyn u sugayay Ciidamada Amisom, walow ay wehlinayeen Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ammaanka garoonka qaabilsan.

Markii uu Shiikh Shariif ka soo degay Diyaaraddii waday waxaa uu mid mid u salaamay dadkii soo dhaweeyay, kadibna waxaa loo gudbiyay qeybta nasashada garoonka, halkaasi oo uu hadal kooban ku siiyay Saxaafadda.

Waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in Muqdisho ku soo laabto, isla markaana uu siish.shariif & dhagaxtuur.jpg amba qaado dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ah ee aas-aaska u ah Isbaheysiga uu Madaxda ka yahay, wuxuuna saxaafadda uga cudurdaartay in hadal intaas ka badan uu siiyo inkastoo uu sheegay in waqtiyo kale la hadli doono.

Intaas kadib Shiikh Shariif iyo wafdigiisa waxaa loo soo galbiyay dhinaca Hotelka Laf-weyn ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo horay loogu sii diyaariyay, iyadoo ay ammaankiisana wada sugayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa  Amisom iyo weliba Ciidamo taabacsan Midowga Maxkamadaha Islaamka.

Waxaa cajiib ahayd in Ciidamada Maxkamadaha oo wata labiskii lagu yaqiinay ee ay Cimaadda ka mid ahayd uu saaka socodkooda ku badnaa Wadada Makka Al-Mukarrama, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo isugu jira Itoobiyaan, Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka, kuwaasi oo la xusuusto in ay horay dagaallo u dhexmareen.

Waxaa kale oo xusid mudneyd in intii uu Wafdiga Shiikh Shariif socodka ku marayay Waddooyinka isku xira Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Hotelka Lafweyn ayaa waxaa hareeraha Wadada ku sugnaa Dadweynee caleemo qoyan ruxayay, kuwaasi oo ku dhawaaqayay erayo soo dhaweyn ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo aan la ogeyn inta uu Muqdisho ku sugnaan doono ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ugu dambeysay 26-kii December 2006, xiligaasi oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah Muqdisho ka saareen Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka, iyadoo tan iyo xiligaasna uu ku sugnaa Dalalka Yemen, Eritrea iyo Jibouti, inkastoo uu haatan ka soo kicitimay Dalka Jibouti oo uu dhawaanahan deganaa.

Add New Comment