Maamulka Islaamiyiinta oo ku sii fidaya Gobolka Gedo

Xoogaga muqaawamada ayaa sida lagu soo warramayo la wareegay gacanku haynta degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, ayadoo maamul islaami ahna laga dhisay deegaanka Buurdhuubo ee isla gobolkaasi.

 Wararka ka imanaya  degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoogaga muqaawamadu ay gebi ahaanba la wareegeen degmada Baladxaawo, ayadoo sida la sheegay uu Col. Barre Hiiralena uu aaggaasi ka wado dhaqdhaqaaq ciidan..

 Ciidamad muqaawamadu waxay degmadaasi la wareegeen iyadoon wax iska horimaad ah uusan dhicin, waxayna markiiba xarun ka sameysteen saldhiggii degmadaas.

askari diini.jpgDegmada Baladxaawo ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka jiray xaalado amaandarri ah.
 Deegaanka Buurdhuubana waxa lagaga dhawaaqay maamul islaami ah ayadoo inta badan gobolka Gedo sidoo kale laga hirgeliyey maamulo Islaami ah oo shareecada  Islaamk ku  dhaqma.  

Maamulka loo sameeyey degaanka Buurdhuubo ayaa sida lagu soo warramayo ka kooban 7 xubnood oo uu guddoomiye u yahay Macalim Muxumed Cabdi Garaf, sida laga soo xigtay Shiikh Xasan Jibriil oo isna xubin ka ah isla maamulkaas islaamiga ah.

 Sheikh wuxuu sheegay in sababta ay tallaabadaasi u qaadeen ay tahay in lagu xaliyo qilaafaadka u dhexeeya dadka deegaanka oo iyagu inta badan isku qabsan jiray waro biyood iyo daaqsin ah.

Add New Comment