Balanbale, qabsashadii Ethiopianka kaddib


Dad fara badan oo  degganaa degmada Balanbal ayaa halkaasi ka barakacay kadib markii ay  qabsadeen ciidamada Ethiopia degmadaasi.

 Dadki deganaa degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ayaa saakay bilaabay in ay halkaasi isaga cararaan kadib markii ay degmadaasi shalay soo degeen ciidamo Ethiopian ah oo watta gaadidka dagaalka.

 Barkaca dadkaasi ayaa waxaa ay timid kadib markii ciidamo Ethiopian ah oo wata dabaabaadka dagaalka ay gaareen magaalada Balanbal ee ku taala deegaanada Dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud.

 Ciidamadaasi ayaa markii ay dageen degmadaasi waxaa degmadaasi laga dareemayay dad badan oo si tartib tartiib ah uga baxaya qaar ka mid ah xaafadaha ay soo galeen ciidamada Ethiopian-ka.

 Ciidamada oo fariisin ka samaystay 4-ta gees ee magaalada ayaa waxaa ay bilaabeen in gawaarida dagaalka ay ku dhex mushaaxaan xaafadaha degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud taasi oo dhalisay in dadkii halkaasi daganaa ay isaga baxaan magaalada.

 Sidoo kale magaalada ay dadku faarujiyeen ayaa waxaa ka mid ah degmada Guriceel oo dhawaan ay la wareegeen xoogaga Al Shabaab kadib markii ay ciidamada Ethiopia soo dageen degmada Balanbal oo sidaa aan uga fogayn degmadasi Guriceel,waxaana dadka degmadaasi ku jirta cabsi ku aadan in ciidamada Ethiopia ay u talaabaan degamada Guriceel.

 Dadka degmada Balanbal ayaa saakay maalinti labaad waxaa ay si sareexad leh ugu qeyb qaadan ciida islaamka ugu weyn ee iidul Adxa kadib markii ay soo dul dageen ciidamada Ethiopia,waxaan  wax war ah aan laga heyn in ciidamada Ethiopia ay halkaasi ku sugnaan doonaan iyo in ay u talaabi doonaan degmooyinka kale ee gobolka Galgaduud.

Add New Comment