"Dawlad way jirtaa" iyo "ma jirto" !!

Labada nin ee ugu sarreeysa dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay magaalada Baydhabo ka wadaan kulamo ay ku kala jiidanayaan xildhibaanada Barlamanka KMG.

 Tan iyo markii ay gudaha magaalada Baydhabo si kala gooni gooni ah u tageen Baydhabo iyagoo ismaan dhaafsan Ra'iisul wasaare Nuur Cadde iyo Mr. Yuusuf  ayaa magaalada Baydhabo waxaa laga dareemayaa qilaafka u dhaxeeya labadaasi masuul inta uu la eg yahay.
Nuur & Cabdullahi.jpg
 Waxaa xarunta madaxtooyada iyo hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo joogto ka noqday kulamo gooni gooni ah oo ay kala horkacayaan labada nin.
Kulamada labada masuul oo iyagu aan is arki Karin oo qof waliba aqalkiisu uu ku balaminayo xildhibaanada uu is leeyahay waad soo jiidan kartaa,waxaana ay u kala sheegayaan markii ay la kulmaan xukuumadu waa ay jitaraa iyo xukuumadi majirto taana ay keentay in mudanayaasha Barlamanka ee ku sugan magaalada Baydhabo ay u kala saftaan labada masuul islamarkaana keentay in ay ku jahwareeraan siyaasada dowlada ee hoos u sii dhaceysa.

 Xiliyada Barqadii ah ayaa wadooyinka magaalada Baydhabo waxaa lagu arkaa gawaari ay saaranyihiin xildhibaanada Barlamanka kuwaasi oo u kala dareeraya aqalada ay kala daganyihiin madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaarha hase ahaatee marka laga sootago qilaafka ka dhex taagan labada masuul ayaa waxaa la dareemayaa qilaaf kale oo u dhaxeeya xildhibaanada Barlamanka oo iyagu kala taageeraya Yuusuf iyo Nuur Cadde.

 Afhayeenka Barlamanka sheikh Aadan Max'ed Nuur Madoobe oo isagu la malaynayay in uu dhex dhaxeedinayo qilaafka labada masuul ayaa isagu waxaa uu ka fadhiistay meel banaan ah iyadoo xildhibaanada Barlamanku ay maalin walba la kulmayaan madaxweyne Yuufus iyo Ra'iisul wasaare Nuur Cadde.

Add New Comment