Ciidamada Ethiopia oo soo galay degaanka Kala-beyr

Ciidamo Ethiopian ah oo wata gadiidka dagaalka ayaa gaaray degaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan.
Sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta dadka deegaanka Kala-beyr cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ah oo si lug ah ku socda ayaa dhowr Jeho uga soo daatay deegaanka Jawiile oo 20-km dhanka Woqooyi kaga began magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.ciidan itobiyan.jpg

 Ciidamadani sida lugta ah ku soo galay deegaanka Jawiil ayaa waxaa ay fariisin ka sameeysteen deegaanka kala beyr waxana daqiiqado kadib halkaasi soo gaaray gaadiid dagaal oo aad u farabadan kuwaasi oo ah nuuca dagaalka oo qaarkood saaran yihiin Saanado Milateri.

 Ciidamadani Ethiopian-ka ah ee saakay Soo gaaray degaanka Kala beyr ayaa waxaa ay hakad galiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka,waxana dadkii halkaasi ku noolaa la soo dersay cabsi xoogan oo ku aadan soo laabasha ciidamadani.

 Ciidamadani saakay soo gaaray isgooyska kala beyr ee deegaanka Jawiil gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ka soo dhaqaaqeen Deegaanka Feer Feer ee dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia lamana oga in ay fariisin ka sameysan doonaa iyo in ay u soo talaabi doonaan dhanka degmada Baladweyne oo ay sanado horay u deganaayen.

 Magaaada Baladweyne ayaa waxaa ka taagan cabsi xoogan oo la soo derisatay dadka degaanka waxaana halkasi ku sugan ciidamada xoogaga ka soo hor jeeda dowlada kmg Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye eek u sugan gudaha dalka.

 Dhawaanahani ciidamada Ethiopia waxaa ay dhaqa dhaqaayo ka wadeen deegaanada ku yaala dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia gaar ahaan xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Ethiopia,waxana ay ciidamadani qaar ka mid ah ay gaareen deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud kuwaasi.

 Imaatiinka ciidamadani Ethiopian-ka ayaa dhaq dhaqaaqooda waxa ay ku soo aadayaa xili dhawaan deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud ay si nabad ah kula wareegeen xoogaga Al shabaab oo ka mid ah dagaalyahanada ka dagaalada gudaha dalka Soomaaliya.

Add New Comment