Nin turjubaan u ahaa Ethiopianka oo Baydhabo lagu dilay

Niman hubaysan ayaa waxaa ay gabbaldhicii caawo ku dileen magaalada Baydhabo nin lagu sheegay in uu tarjumaan u ahaa ciidamada Xabashida ee xoogga ku haysta Soomaaliya.baydhabo.jpg

  Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Daahir, wuxuuna markii la dilayey ku sugna gudaha Suuqa weyn ee Baydhabo halkaas oo uu ka adeeganayay.

 Xuseen daahir ayaa waxaa uu ciidamada Ethiopia u tarjumijiray afka soomaaliga ciidamada Ethiopia xiliyada ay suuqyada magaalada Baydhabo ka adeeganayaan,waxaana dilkiisa ka dambeeyay ilaa 3-qofood oo bastooladu ku hubaysan.

 Maydka ninkaani ayaa waxaa la sheegay inuu mudo halkaasi  yaalay, waxaana saacado ka dib halkaasi ka qaaday ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo.

 Ma jiraan wax dabagal ah oo lagu sameeye kooxdii dilka geysatay, boliiska iyo maamulka gobolka Bayna waa ay ka gaabsadeen inay wax war ah ka soo saaraan dilka ninkaasi turjubaanka u ahaa ciidamada Ethiopia.
Ammaanka magaalada Baydhaba ayaa beryahan dambe noqday mid faraha kasii baxaya, iyadoo halkaasina ku sugan yihiin ciidamada Ethiopianka iyo kuwa ay gacasaarka leeyihiin ee dawladda KMG.

Add New Comment