Ilaalada Madaxtooyada Oo Hubka Dhigis Lagu Sameeyey

ilaalada madaxtooyada.jpg


Ilaaladii xarunta madaxtooyada (Villa Somalia) ayaa waxaa habeenimadii xalay hubka dhigis ku sameeyey ciidamada xukumada Ethiopia oo ay beryo yar ka hor isbahaysato ahaayeen, kuwasoo lagu soo eedeeyey inay qorsheynayeen inay la baxsadaan hubkii yiil madaxtooyada.

Ciidamadan hubka dhigista lagu sameeyey oo dhamantood ka soo jeeday maamul goboleedka puntland islamarkana ahaa ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada  ayaa waxaa hubka si toos ah ugala  wareegay ciidamada Ethiopia ee  ku sugnaa xarunta madaxtoyada ee (Villa Somalia) kaddib markii la ogaaday inay qorsheynayeen in hubkaasi  ula baxsadaan dhanka maamul-goboleedka Puntland.

 Sida ay wararka qaar sheegayaan ayaa waxaa hubka gacmaha loo geliyey saraakiil iyo ciidamo daacad u ah Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo beryahan danbe isagu ay

aad isugu dhowaayeen hoggaamiyeyaasha Ethiopia oo u arkayey inuu Ra'iisul Wasaaruhu yahay mid Ethiopia ka samata bixin kara mixnada uu geliyey Col. C/laahi Yuusuf. Ma cadda tallaabada ay Xukumadda KMG ka qaadan doonto falalkan ciidamada Ethiopianku ay kula kaceen ilaalada gaarka ah ee Col. Cabdullaahi Yuusuf,

laakiin inay sidaasi iska aqbalaan waxaan ahayn uma furna maaddaama Ethiopia iyadu ay ahayd tii soo daadihisay dawladda cimrigeedu sii dhammaanayo ee KMG.

 Warar kale oo isa soo tarayana waxay sheegayaan inuu jirto xarig lagula kacay Saraakiil sar-sare oo ka tirsanaa ilaaladaa hub ka dhigista lagu sameeyey ee aan la ogeyn sida xaaladdooda ammaan ay ku dambeyn doonto, maadaama Muqdisho aysan ahayn goob nabadeed oo ciidan dowladeed oo an hubeysnayn uu dhex

joogi karo. Wixii warar ah ee arrimahaan kusoo kordha kala socda www.SilGor.com

Add New Comment