Ethiopianka oo fariisin ka sameystay Luuq

ciidamo Itoobiyaan.jpgIyada oo socdo qorshe Ciidamada Itoobiya ay kaga baxayaan gudaha dalka ayaa iminka sida aan warar lagu kalsoonaan karo ku heleyno, waxaa soo baxaya in Ethiopianku ay fariisimo cusub ka sameysanayaan goobo ku yaal meelo aysan horey u joogi jirin.
Warar naga soo gaaray gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo aad u xooggan ay fariisin ka sameysteen xerooyo ku yaal degmada Luuq ee Gobolka Gedo, lamana oga ujeeddada ka dambeysa iyadoo hadda la sugayey ka bixitaankooda dalka halkaasi oo ay dhigteen gawaari dagaal iyo ciidamo aad u fara badan.
Lama garanayo ujeedkooda dhabta ah hayeeshee waxa uu kusoo beegmayaa xilli la hadal hayay in ay ka baxayaan dalka.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay ka shaki qabaan in ciidamada Ethiopia aysan dooneyn inay ka baxaan dalka Soomaaliya, taasna ay keeni karto in
dagaallada hareeyey koonfurta Somalia ay sii daba-dheeraadaan balse ay maalinba meel u guuraan.

Add New Comment