Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la dagaallamaan cid kasta oo ka soo horjeeda in ay nabad helaan

cumar-xaashi.jpgIsbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayo in ay la dagaallamaan cid kasta oo ka soo horjeeda in ay nabad helaan.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti ayaa sheegay in shacabka Soomaaliya uu maanta taagan yahay markii uu heli lahaa nabad, amni iyo kala dambeyn, sidaas darteedna looga baahan yahay in uu ka hortago cid kasta oo ka soo horjeedo in uu nabad helo.

“Shacabka Soomaaliyeed awood ayuu u leeyahay in uu is-difaaco waayo waxaad la socotaan in uu horay ula soo dagaallamay Hoggaamiye kooxeedyadii dalka xoogga ku heystay, kadibna uu labo sano la dagaallamayay Ciidamada cadawga ah ee dalka ku soo duulay”ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in Shacabka Soomaaliyeed uu maanta miisaan u saaran yahay Caalamka, isla markaana la tijaabinayo awoodda uu u leeyahay in uu difaacdo wixii wanaag ugu jiro.

Cumar Xaashi Aadan, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu sheegay in rajo kasta iyo guul kasta oo uu gaaro shacabka Soomaaliyeed aan loo waayeynin cadaw, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in shacabka uu arrintaas ku baraarugsanaado.

“Waxaa jira dad aanan dooneynin in ay shacabka nabad iyo nolol helaan, isla markaana ay kuwii guryahooda ka barakacay ay ku soo noqdaan, waxaana iska cad in dadka sidaas raba ay ihiin kuwo dano gaar ah leh oo aan ka fekereynin danta guud ee shacabka Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Col. Cumar Xaashi Aadan.

Ugu dambeyntiina, Col. Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in haddii la dhihi jiray Ciidamada Itoobiya Soomaaliya kama baxayaan ay haatan xirxiranayaan Qalabkooda, ayna isu diyaarinayaan sidii ay dalka Soomaaliya ugu bixi lahaayeen, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in marka ay baxaan Ciidamada Itoobiyaanka ay ka digtoonaadaan in ay qas iyo fowdo dib ugu noqdaan.

Add New Comment