SilGor 11/28/2008 6:14:50 AM
Dowladda Ethiopia ayaa markii u horeysay sheegtay qorshe ah sidii ay Ciidamadeeda ugala bixi laheyd Soomaaliya, taasoo qoraal ku aadan ay dhowaan u gudbisay Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.
SilGor 11/28/2008 6:04:58 AM
Mas'uuliyiinta sar sare ee Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qorshaha tiro kordhinta Baarlamaan ay ku mideysan yihiin labada dhinac, kaas oo ka yimid heshiis ay ku kala saxiixdeen Dalka Jabuuti.
SilGor 11/28/2008 5:53:26 AM
Salaad Cali Jeele oo ah Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegay in markii horeba ay keentay in ay xoogagga muqaawamadu qabsadaan goobo badan oo dalka ah, dowlada oo aan laheyn ciidamo badan oo u diyaarsan isla markaana difaaca,ayna xiligan diyaar u aheyn in dagaal ay kula wareegaan ama ay ku qabsadaan deegaanada ay ka arimiyaan xoogagga Muqaawamada.
Dayniile Online 11/27/2008 7:06:11 PM
Dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool gudaha wadanka iyo wadamada dariska la ah Soomaaliya ayaa ka cabanayo odayaasha ka soo shaqaystay wadamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ,waxayna cabashadaan salka ku haysaa ayaga oo dhalinyarada laga fara marooqsado had iyo goor Gabdhaha ay wada socdaan kana dhaxeeyo xariirka lamaane marka uu meesha ku soo dhax dhaco oday aan hadleen balse jeebkiisa uu hadlaayo taas oo dhalin yaro badan ku riday niyad xumo .
hiiraan online 11/27/2008 6:44:27 PM
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland -Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) Khamiis, 27 November 2008 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa maanta sheegtay in Weeraradii Qaraxyada ahaa ee lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska Ganacsi ee Itoobiya ee Hargeysa iyo Xarunta UNDP in ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab. Kuwaas oo magacowday Xukuumaddu cidda ay sheegeen in ay soo abaabuleen.
Written by shabeeladahoose 11/27/2008 4:42:30 AM
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa’id qadka taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay xoogaggooda qaadeen weerarro ay ku muujinayaan in uusan dhaqangeli karin heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
SilGor 11/27/2008 4:11:56 AM
Waxaa dhac iyo boob loo gaystay dukaamo ay leeyihiin ganacsato soomaliyeed oo ku yaalay gobalka Eastren Cape ee dalka K/Africa.dukamada xalay la boobay aya gaaraya ilaa 4 dukaan halka qaar kalene ay isaga sii carareen inta aan la boobin ayago la baxsaday naftooda iyo maalkoodaba.
SilGor 11/26/2008 5:37:44 PM
Bannaanbax lagu taageeraayo hishiis ay wada saxiixeen dowlada KMG iyo Isbeheysiga Dib-u-xoreynta garabka Jabuuti ayaa maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
SilGor 11/26/2008 5:22:34 PM
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow xafiiska safaarada Ethiopia ku leedahay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan guriga madaxtooyada ayaa sheegaya inuu soconayo qorshayaal Hub ka dhigis ah oo la doonayo in lagu sameeyo Maxamed Dheere Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.
SilGor 11/26/2008 5:17:38 PM
Waxaa barqanimadii maanta hotelka Kempiski ee magaalada Jabuuti lagu kala saxiixday heshiis ay gaareen dowladda federalka Soomaaliya iyo isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya oo shalay illaa xalay kulamo adag oo xasaasi ah ka yeeshay qodobo la xiriira awood qeybsiga. Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo guddi daba gal ku sameeya xadgudubyada iyo dambiyada dagaal ee ka dhacay dalka Soomaaliya, maxkamadna loo diyaariyo. in la dhiso dawlad midnimo qaran leh oo ay ku wada jiraan xubnaha Mucaaradka iyo in wax laga beddelo dastuurka u degsan dawladda oo laga dhigo mid la jaan qaadi marxaladda cusub ee uu dalku galay.
SilGor 11/26/2008 5:11:43 PM
Afduubka labadaan wariye ayaa waxaa lagu caddeeyey war uu saxaafadda siiyay la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee dhanka warfaafinta Bile Max'ud Qabowsade oo isagu sheegay in afduubkani uu ka dhacay gudaha magaalada Bosaaso kuwaasi oo lagala baxay hottel ay ku suganaayeen oo ku yaala gudaha magaaladaasi.
silgor 11/25/2008 7:21:49 PM
Wararka ka imaanaya Magaalada Jabuuti oo uu ka socdo wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada Dowladda KMG ah iyo Isbahaysiga Dibuxoraynta Soomaaliya garabka Jabuuti ayaa la sheegayaa in la isku mari la’yahay qaabka awood qaybsiga dalka.
silgor 11/25/2008 7:11:27 PM
Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamanka federaalka Somalia ayaa shaaciyey inuu si rasmi ah iskaga casilay xilkaasi ka dib shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd ku qabtay hoygiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho.







'
World News