SilGor 11/30/2008 5:56:33 PM
Milateriga Itoobiya oo maanta faarujiyey mid ka mid ah xeryihii ay mudada dheer ka degenayeen gudaha magaalada Baydhabo Ciidamada Itoobiya ayaa barqanimadii maanta gebi ahaanba ka guuray xerada warshadii hore ee Xasey oo ku taala duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayaan.
SilGor 11/30/2008 5:54:10 PM
Xafiiska Barige Africa u qaabilsan isu-socodka badaha ayaa sheegay inay socdaan wadahadalo ku saabsan sidii loo sii deyn lahaa Markabka laga leeyahay dalka Ukraine ay burcadbadeedu ku heystaan xeebaha Somalia.
Silgor 11/30/2008 5:47:54 PM
Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka qaaday wadada isku xirta magaaladan Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose isbaaro halkaasi u tiilay ciidamada DF iyo maleeshooyin kale oo madax banaan taasoo lacago sharci darro ah looga qaadi jiray Gadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka ee u kala goosha gobolada Banaadir iyo Sh/hoose.
SilGor 11/30/2008 4:18:49 AM
Guddoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa beesha caalamka waxa uu ka codsaday in ciidamo kasocda beesha caalamka loo diro Soomaaliya si ay wax uga qabtaan amaanka gudaha dalka Soomaaliya.
Rochester SomaliTV online 11/30/2008 3:43:13 AM
Mudane Suumaaye oo ka hadlaayo hoos-u-dhaca ku yimid dhaqaalaha Mareykanka iyo sida uu u saameeyey iibsashada guryaha lagu iibsaday deynta,waxa uu talo wannaagsan usoo gudbinayaa jaaliyadda Somaaliyeed ee daawasho wacan.
SilGor 11/29/2008 4:38:22 PM
Ciidamada Ethiopia oo ka yimid dalka Ethiopia ayaa waxa ay soo gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay xili dowlada Ethiopia ay sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxeyso gudaha dalka Soomaaliya.
SilGor 11/29/2008 3:33:07 PM
Xoogaga al-shabaab ayaa goor dhaw madaafiic waxa ay ku garaaceen xerada Asluubta oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia taasi oo qal galisay gaadiidka Bl-ka ee isticmaala wadada isku xirta muqdisho iyo Afgooye.
SilGor 11/29/2008 3:24:20 PM
Dowladda Mareykanka ayaa u ololeynaya Qaramada Midoobey in Ciidamo ay u dirto Soomaaliya, kadib markii ay Dowladda Ethiopia ay ka dhawaajisay in ciidamadeeda kala baxeyso dhamaadka bisha December ee sanadkan.
markacadey.net. 11/29/2008 3:22:10 PM
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee maxkamaadaha islaamka ee soomaaliya sheekh cabdu qaadir cali cumar ayaaa waxa uu saxaafada u aqriyay batyaanka aay soo saareen.
markacadey.net 11/29/2008 3:07:05 PM
Ciidamada Dowladda FS , gaar ahaan kuwa ku sugan Isgoyska Korontada degmada Wadajir Muqdisho ee hoos taga Gudoomiyaha degmadaasi Axmed Xasan Cadow ( Axmed Daaci) ayaa la xaqiijiyay inay muddo saacad ah ay galabta ku xayireen guriga gudoomiyaha oo ku yaala Shineemo Muqdisho qaar ka mid ah Madaxda iyo weriyayaasha Telefishan-ka UNIVERSAL ee afka Soomaaliga ku hadla , xaruntiisuna ay tahay magaalada London.
SilGor 11/28/2008 7:51:41 PM
A total number of 2350 of clinically diagnosed urinary schistosomiasis in which 1548 (66%) were male and 802 of female (44%) were treated in 4 Districts of Marka, Kurtur Warey, Jamama and Balcad during July 2008. An intensity based intervention was not implemented due to the limited budget.
SilGor 11/28/2008 5:36:22 PM
Michael Jackson has reportedly converted to Islam and changed his name to Mikaeel after one of Allah’s angels.
shabelle.net 11/28/2008 9:08:55 AM
Culumaa'udiinkii u istaagtay xalinta qilaafaadka soo kal dhex galay xoogaga islaamiyiinta ayaa bayaan ay soo saareen waxaa ay heshiiskii jabuuti ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn Diinta islaamka. Bayaankaan ay soosaareen maanta culimaa'udiinkii u istigaay xalinta khilaafaadka soo kala dhaxgalay xoogaga wax iska caabinta ayaa waxa uu ahaa mid intiisa badan looga hadlayay shirkii Jabuuti iyo wax yaabihii kasoo baxay.







'
World News