SilGor 12/17/2008 3:40:07 PM
Baydhabo:-Waxaa saaka magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka bay ka soconaya dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo mooshino ay wadaan xilibaanada ku fikirka ah Ra'iisul wasaare Nuur Cadde, Xilibaana daan ayaa waxaa ay wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha DFKM C/laahi Yuusuf Axmed
SilGor 12/17/2008 3:36:21 PM
Tobaneeyo ruux oo rayid ah ayaa ku naf waayey, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii ciidamada Itoobiya ee deggan Mogadihu Stadium ay madaafiicda BM ka ku garaaceen deegaanno ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee magaalada Muqdisho
SilGor 12/17/2008 3:29:41 PM
New-york: Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar ay dowlada Mareykanku soo bandhigtay kaa soo u ogolaanaya wadamada adduunku inay burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya kula dagaalami karaan beriga iyo biyaha Soomaaliya.
SilGor 12/17/2008 3:25:11 PM
Afgooye: Waxaa saaka subaxnimadii ka dhacy qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso lagana hago meelaha fog fog lala beegsaday Gaari Ural ah oo ay saar naay een ciidanka Itoobiya,gaariga Uuraalaha ah
Hiiraan Online 12/16/2008 5:50:32 PM
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Kenya Moses Wantengula ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladdiisa cunaqabateyn gaar ah ku soo rogi doonto Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu sheegay in uu caqabad ku yahay geedi-socodka nabadeynta Soomaaliya.
Hiiraan Online 12/16/2008 5:47:19 PM
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu magacaabay Ra’iisal Wasaare kale oo ay yeelaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waqtiga jiritaankeeda ay ka harsan yihiin muddo bilooyin ah.
SilGor 12/15/2008 5:16:41 PM
Xaflad lagu qabtay Hoteelka weyn ee Bakiin ayaa waxa lagu dhaarinayay wasiiradii dhawaan uu soo dhisay ra'iisal wasaaraha dowlada Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qayb galeen munaasabadaasi mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya oo uu hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamaanka Somalia Cusmaan Cilmi Boqorre.
SilGor 12/15/2008 4:51:14 PM
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya shir deg deg ah oo ay manta ay isugu yimiduuna uuna shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaan Soomaaliya Sheekh Aadan maxamed Nuur (Madoowe) ayaa cod buuxa oo aqlibiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda uu madaxda ka yahay RW Dowlada Soomaaliya Nuur Xasan Xusen(Nuur Cadde).
SilGor 12/14/2008 5:45:35 PM
Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa muujiyay sida uusan raalliga uga ahayn xil-ka-qaadistii maanta uu Madaxweyne Yusuf sheegay inuu ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna caddeeyey sida barlamaanka ay uga go'an tahay inuu ilaaliyo sharciga.
SilGor 12/14/2008 5:38:13 PM
Warar laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in raisul wasaare Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu sheegay C/llaahi Yuusuf inuu xilkii ka qaaday ay xiriiro qadka taleefanka ah la soo sameeyeen duhurnimadii maanta
SilGor 12/14/2008 5:29:56 PM
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa qaadacay xil ka qaadis uu saaka C/llaahi Yuusuf ku sameeyay, isagoona sheegay in aanu awood u laheyn inuu xilka ka qaado.
SilGor 12/14/2008 4:49:41 PM
Odayaasha Beesha Mudullood ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan xil ka qaadista sharci darada ah ee uu Cabdullaahi ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
SilGor 12/13/2008 4:34:28 PM
Gudaha dalka waxa ka jira maaha marxalad suurto gelin karta in gos.jpglaga hadlo u tartamida madax Sport, maxaa yeelay maanku ma haleeli karo qiyaas markiiba la garan karo oo lagu misaalo masiibada ka jirta meelo badan oo ay ugu horeyso Caasimaddii dalka ee Muqdisho, welina xaalku wuxuu isu sii maqiiqayaa meel aan garashadu mahdineyn, taasina sabab macquul ah kuma micneyn karto in lagu mash-quulo ku soo bixida mas’uuliyadda ciyaaro aan loo heyn waxyaabaha muhiimka u ah ee ay ugu horeyso NABADU.







'
World News