SilGor 12/21/2008 1:31:49 PM
Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta Col. Cumar Xaashi Aadan, isla markaana ah Madaxa Guddiga Ammaanka ee Isbaheysiga Shirkii Jabuuti ayaa sheegay inuu dhow yahay waqtigii ay dalka ka bixi lahaayeen Ciidamada Ethiopia.
SilGor 12/21/2008 1:23:43 PM
Warar aan ka helnay magaalada Nairobi ayaa sheegaya in haweeneyda wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Jendayi Frazer ay isku dayeyso inay dhexdhexaadiso labada mas'uul ee uga sarreeya dawladda FKMG ee Soomaaliya, kaddib markii ay halkaasi soo gaartay maalinnimadii shalay.
SilGor 12/21/2008 12:21:19 PM
Allaah ha u naxariistee waxa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi Dr. Xuseen Xaaji Bood oo ahaa siyaasi si weyn looga yaqaano gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya.Marxuum Dr.Xuseen Xaaji Bood oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida aadka ah looga yaqiin dalka, wuxuuna xubin muuqda mar walba ka ahaa isbeddelladii siyaasadeed ee dalku soo maray, wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii U.S.C.
SilGor 12/20/2008 9:13:25 AM
Safiirka Ethiopia u fadhiaya dalka Ingiriska Berhanu Kebede Dawladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadeeda kala baxayso dalka Soomaaliya dhammaadka bishan December ka dib markii dad badan ay shaki ka muujiyeen arrintaas bixtaanka ciidamada milatariga Ethiopia
SilGor 12/20/2008 9:03:56 AM
Wasaarada arrimaha dibada ee Nigeria ayaa sheegtay inay ciidamo nabadilaalineed u soo direyso dalka Soomaaliya horraanta sanadka soo socda si loo xoojiyo nabadda Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Nigeria Ojo Mutuekwe oo saxaafadda kula hadlay magaalada
SilGor 12/20/2008 9:01:23 AM
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa si weyn ugu eedeeyay ciidamada DKMG ah gaar ahaan illaalada Madaxtooyada inay duqeyn aan loo meel dayin u gaysteen Suuqa Bakaaraha halkaasoo ay ku dhaawacmeen tiro dad rayid ah.
SilGor 12/20/2008 8:51:57 AM
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa goor dhow ka dhoofay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoona ay wararku sheegayaan inuu u kicitimay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
SilGor 12/20/2008 5:30:56 AM
Warar isaa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in safaaradda Mareykanku ku leeyahay dalka Jabuuti ay xarunta safaaradda uga wada yeertay wufuudda ay kala hoggaminayaan Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde, Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dahir Rayaale oo dhammaantood hadda ku wada sugan magaalada xarunta ah ee Jabuuti.
SilGor 12/20/2008 4:59:05 AM
Kulankani oo lagu wado in saacadaha soo socda uu uga furmo mudanayaasha Baarlamaanka xaruntooda magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay marka ay isugu yimaadaan halkeedii kasii wadi doonaan dacwadii ka dhanka aheyd Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo toddobaadkii hore loogu baaqay in uu ka soo qeyb galo Kulamada soo socda.
SilGor 12/18/2008 6:44:20 PM
Waxaa saakay si aad ah loogu arkayaa Agagaarka Dekedda weyn ee Muqdisho diyaarado Helikopters ah kuwaasi oo dul heehaabaya Dhanka Badweynta iyo iyaga oo mararka
SilGor 12/18/2008 6:39:02 PM
Ra'iisal Wasaare DFKG Nuur Cadde ayaa maanta u duulay dalka Jabuuti. asagoo kusii hakaday garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, intii uu ku sugnaa garoonka Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in sababta uu
BBC 12/18/2008 10:03:57 AM
Warbixintan oo ka kooban 57-bog, ayay Guddiga Kormeerka Cunaqabateynta Hubka ee Somalia, waxay ku sheegeen in dhammaan kooxaha ku hardamaya Somalia, ay si toos ah ama si dadban ugu xadgudbeen cunaqabateynta xagga hubka ah ee saarneyd Somalia 16-kii sano ee lasoo dhaafay, haba ugu sii darnaatee 12-kii bilood ee lasoo dhaafay.
SilGor 12/17/2008 4:08:53 PM
Xildhibaanada baarlamanka federaalka Somalia ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey maanta qodobadii ka soo baxay heshiiskii ay magaalada Jabuuti ku kala saxiixdeen DF iyo isbaheysiga dib u xoreynta Somalia ka dib markii kulankooda la soo hor dhigay Heshiiska oo uu ka hor aqriyey wasiirka dib u heshiisiinta ee xukuumada RW Nuur cadde C/waaxid Cilmi.







'
World News