SilGor 12/24/2008 3:13:28 PM
War naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu mudane Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) iska casilay Xilkii Ra’iisal Wasaarenimo ee uu dhawaan uu u magacaabay Col. Cabdullaahi Yuusuf.Is-casilaadda Gacmo-dheere ayaa la sheegay in ay timid kaddib markii cadaadis fara badan uu Madaxweynuhu kaga yimid Beesha Caalamka
SilGor 12/24/2008 2:57:14 PM
Waxaa goor dhoweyd ka soo soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
12/23/2008 2:17:03 PM
War-saxaafadeed ay si wada jir ah magaalada Nairobi uga soo saareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta garabka Jabuuti ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Sh. Axmed, ayay ku sheegeen inay sii wadi doonaan iskaashigooda
SilGor 12/23/2008 2:08:34 PM
Ururka midowga Afrika ayaa xaqiijiyay in dowlada Itoobiya ay Ciidamadeeda kala baxeyso Somalia 5-ta bisha Janaay 2009 iyadoo aan wax war ah oo cusub aan laga soo saarin soo dedejint cidamadii beddeli lahaa kuwa Ethiopia.
SilGor 12/23/2008 2:00:19 PM
Wasiirka arrimaha gudaha ee DKMG oo horey ay dawladdiisu u dafiri jirtay in ciidamadoodu ay dhibaatooyin dhac iyo jir dil isugu jira ku haayaan shacabka
SilGor 12/23/2008 1:56:49 PM
Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo iyadoo wararkuna ay sheegayaan inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqi doono inuu iska casilay xilkii madaxwenenimo ee uu ka hayey dawladda KMG,
SilGor 12/23/2008 1:53:16 PM
Odayaasha Hawiye ayaa xoogaga Muqaawamada ugu baaqay in aysan ka dhex dagaalamin goobaha ay shacabku deggan yihiin, waxayna canbaareeyeen baaqii Ururka Midowga Africa ee ahaa In ciidamada Ethiopia ay sii joogaan gudaha dalka
SilGor 12/22/2008 5:40:04 PM
C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Nairobi ku wada sugan ayaa waxay saaka(Jomo Kenyata International Airport) kulan kula qaateen
SilGor 12/22/2008 5:35:30 PM
Col.Cabdullaahi Yuusuf ayaa caalamak ugu baaqay in aan xoogaga Al Shabaab lagu eegan shacabka Soomaaliyeed ee ay xoogga ku heystaan, sababna uga dhigay qabsashada shabaabka ee inta badan dalka ay qabsadeen baqdin ay dadku ka qabaan ee aysan aheyn
SilGor 12/22/2008 5:21:50 PM
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Itoobiya Seyum Musfin ayaa mar kale ku celiyay in Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxayso Somalia."Marnaba ka laaban meyno go'aanka aan ciidamadeenna kagala baxayno Somalia" ayuu yiri
SilGor 12/22/2008 5:11:51 PM
Dagaal culus ayaa goor dhow ka billowday Isgoyska Florence ee degmada Wardhiigley, iyadoona lagu soo warramaayo in dagaalku durba saameyn weyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee Suuqa Bakaaraha, halkaasoo ay ku soo dhacayaan madaafiic laga soo ridayo madaxtooyada.
SilGor 12/22/2008 5:08:24 PM
Wasiirada arrimaha dibedda Bariga Africa, ayaa ku dhawaaqay in ay cunaqabatayn ku soo rogaan Madaxweynaha Soomaaliya,Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay taageerayaan ninka ay siyaasadda isku hayaan Ra'iisulwasaare,Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
BBC 12/21/2008 1:47:28 PM
Wasiiradda dibedda urur goboleedka IGAD, ayaa sheegay in ay taageerayaan go'aankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku taageeray ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo dowladiisa.Waxay sheegeen in cidii loo aqoonsado oo la soo magacaabo in ay caqabad ku tahay nabadda







'
World News