SilGor 1/27/2009 12:16:15 PM
Liiskii ugu dambeeyey ee xubnaha Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta uga midka noqonaya Barlamaanka isku dhafka ah ee beesha Hawiye oo waqto dhow naga soo gaaray magaalada Jabuuti.
SilGor 1/26/2009 10:05:21 AM
Xoogagga Urur diimeedka Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo oo ahayd xaruntii barlamaanka DKMG kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii Ethiopianka iyo kuwii Soomalida ee la socday.
SilGor 1/26/2009 9:52:04 AM
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaaladdu mar qura isu beddeshay jihawareer iyo fowdo, ayadoona ay magaalada ka billaabatay bililiqo xooggan kaddib markii dadweyne fara badan ay ku soo xoomeen xarumaha madaxtooyada iyo barlamaanka (ADC)
Shabelle Media 1/25/2009 2:19:47 PM
Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti ayaa galabta waxaa ay shaaca ka qaadeen in sheikh Shariif Sheekh Axmed uu u taaganyahay qabashada xilka madaxweynenimad Soomaaliya.
SilGor 1/25/2009 2:07:47 PM
Afhayeen u hadlayey dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Berkedd Simon ayaa waxaa uu wakaaladda wararka AFP u sheegay in ciidamada Ethiopia gebi ahaanba soo dhameystireen ka bixitaankoodii Soomaaliya.
SilGor 1/24/2009 4:30:27 PM
Waxaa shalay galab, abaarihii xiliga salaada Casir, Salaadda Janaasada loogula tukaday laguna aasay qabuuraha Saffron Hill Cemetery ee magaalada Leicester, macalinkii xulka Qaranka Kubadda kolayga Soomaaliyeed marxuum Cumar Mohamed Cumar (Cumar Anyeelo) Allaha u naxariistee.
Hornafrik Media 1/24/2009 11:15:52 AM
Ugu yaraan 15 ruux oo rayid ah, ayaa ku geeriyootey tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen kadib markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu isku qarxiyay wadada Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.
Hornafrik Media 1/24/2009 11:06:51 AM
In ka badan 30 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa saaka ka ambabaxay Magaalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan shirka Jabuuti halkaasoo lagu wado in lagu soo dhiso dowlad Midnimo qaran oo markii ugu horeysay Mucaaradku ay ka dhex muuqdaan.
SilGor 1/24/2009 10:45:53 AM
Is mari waa' ayaa lagu soo warramayaa inuu weli ka taagan yahay qeybsiga qaar ka mid ah xubnaha cusub ee baarlamaanka uga soo biiraya dhinaca Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta garabka Jabuuti oo iyagu heshiiska la galay DKMG, Is qabqabsigan ayaa yimid
SilGor 1/22/2009 9:36:09 AM
Waxa magaalada Jabuuti si aan kala go' lahayn usoo gaaraya wufuud ka socda Beesha Caalamka, xubnaha Ururka Dib-u-Xoreynta garabka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaannada Barlamaanka DKMG.
SilGor 1/21/2009 7:08:01 PM
Marxuum Macalim Cumar Maxamed Cumar (Cumar Anyeelo) ayaa maalinimada Jimcaha ee bisha Janaayana ay tahay 23-ka ayaa haddii Allaha awoodda leh idmo lagu aasi doonaa magaalada Liecester UK
SilGor 1/21/2009 10:39:31 AM
Waxa maanta magaalada Jabuuti ka degay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Ahmed Ould Abdallah, ayadoo magaalada Jabuuti ay ka socdaan dadaallo lagu badbaadinayo heshiiskii ay kol hore
SilGor 1/21/2009 10:03:48 AM
Madaxweynihii hore ee dowladda FKMG ah ee soomaaliya Col. Cabdullaahi Yusuf Axmed oo intuu uu iska casilay xilka madaxweynenimo ka gadaal ku sugnaa degaannada Puntland ayaa lagu soo warramayaa inuu halkaas isaga dhoofay







'
World News