SilGor 2/7/2009 4:42:04 AM
Hoggaanka gudaha ee Maxkamadaha islaamiga ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan hubkooda, si ay isaga difaacaan kooxaha dilalka ka geysta gudaha magaalada Muqdisho.
SilGor 2/6/2009 4:33:16 PM
Dowladda Turkiga ayaa ku soo biirtay dalalka ku dhawaaqy inay la dagaalamayaan burcad-badeedda Soomaaliyeed, waxayna sheegtay inay maraakiib dagaal u soo diri doonaan xeebaha waddanka Soomaaliya oo ay hore ugu sii sugnaayeen maraakiib dagaal oo fara badan
SilGor 2/6/2009 10:30:14 AM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu wareystay televisionka caalamiga ah ee Al-jazeera qaybtiisa afka carabiga ayaa sheegay sida uusan ugu faraxsaneyn fal celinta ay ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM
SilGor 2/5/2009 9:10:28 AM
Burcad badeeddii afduubka ku heystay markabkii MV Faina ee laga lahaa waddanka Ukraine ayaa sii daayey kaddib markii ay heleen lacagtii ay madax furashada ahayd ee ay hore u weydiisteeb shirkadda markabka iska lahayd.
SilGor 2/4/2009 5:31:07 PM
Waxaa caawa magaalada cusbitaal ku yaala magaalada Dusseldorf ee waddanka Germany (Jarmalka) ku geeriyooday marxuum Xaaji Xasan Cabdi Dufle.
SilGor 2/4/2009 3:40:07 PM
Geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Saciid Tahliil agaasimihii Idaacadda Horn Afrik, Maamulka iyo qorayaasha website ka www.silgor.com waxay si gaar ah tacsi ugu diraynaa dhammaan eheladii, asxaabtii
SilGor 2/4/2009 11:03:34 AM
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jabuuti ee wadanka Jabuuti kadib markii uu dalka Ethiopia kaga soo qeyb galay shir madaxeedkii Afrika ee halkaasi ku soo dhamaaday.
SilGor 2/4/2009 10:37:57 AM
Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa goordhow gudaha suuqa Bakaaraha ku toogtay Agaasimihii idaacada Horn Afrik ee magaalada Muqdisho marxuum Saciid Tahliil, xilli uu marayay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha.
SilGor 2/4/2009 10:27:15 AM
Boqortooyada Saudi Arabia ayaa dadaal ugu jirta sidii laysugu soo dhoweyn lahaa mas'uuliyiintii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh shariif Sheekh Axmed
SilGor 2/4/2009 10:05:22 AM
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa si weyn u soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee dhowaantan la doortay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Jowhar 2/3/2009 5:59:23 PM
La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay wararka sheegaya in Madaxweynuhu uu dalbaday Ciidamo shisheeye oo meesha ka saara waxa loogu yeeray xagjiriinta Nabada Soomaaliya.
SilGor 2/3/2009 5:51:42 PM
Dowladda Ethiopia ayaa beenisay in ciidamadeedu ay dib ugu soo laabteen gudaha dalka Soomaaliya, xilli la wada og yahay inay ciidamo fara badan ka joogaan deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Hiiraan.
SilGor 2/2/2009 1:06:41 PM
Midowga Yurub ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay mowqifkooda ku aaddan natiijadii ka soo baxday doorashadii dalka Jabuuti lagu soo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed







'
World News