Dowladda Soomaaliya oo maanta heshiis sahmin shidaal la saxiixatay shirkada Spectrum ASA




Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta heshiis ku saabsan sahmid shidaal la gashay Shirkadda Spectrum ASA, iyadoo munaasabada heshiiskaas lagu saxiixayay uu ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa lagu faah faahiyay heshiiskaas iyo meelaha sahminta shidaalka lagu sameynayo.

“Xogta ah in Soomaaliya bilowday sahminta awoodeeda Shidaal waa tusaale cad oo muujinaya in bariga Afrika uu yahay gobolka ugu cusub ee ku soo kordhay bahda wax soo saarka shidaalka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa sheegay inay ku faraxsan yahay inay baahiso in dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshiis sahmin ah la (Multi-client seismic survey) shirkadda Spectrum ASA.

Heshiiskan ayaa lagu sahminayaa dhul badeed baaxaddiisu dhan tahay 28,000 km oo lagu sameynayo sahanka noociisu yahay 2D (2D seismic survey), waxaana sahanka intiisa badan laga fulinayaa dhul badeed taasoo baloogyada (blocks) ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya horey ugula heshiisay shirkada SHELL si looga abuuro xog joolijiyadeed oo casri ah loona isticmaalay farsamada ugu casrisan ee maanta ka jirta caalamka.

Sahanka cusub ayaa waxaa uu dhameystirayaa xogtii la uruuriyay sanadkii 2014 oo ahaa dhulbadeed baaxaddiisu dhan tahay 20,000km, iyadoo Sahankan uu suurta gelinayo in si qoto dheer ah loo ogaado baaxadda shidaal ee badda Soomaaliya oo u dhow wadamada shidaalka laga helay ee Geeska Afrika.

“Heshiiska wuxuu xaqiijinayaa in Dowladda Soomaaliya gacanta ku qabato xogta joolijiyadeed oo ka caawini doonta in la qeexo awoodda shidaal, iyadoon wax dhaqaale ahi kaga bixin Dowladda Soomaaliya, Shirkadda Spectrum ASA waxay si caalami ah u suuqgeyn doontaa xogta joolijiyadeed ee la aruuriyey si ay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka ugu soo jeeestaan horumarinta iyo soo saarista shidaalka Soomaliya”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa Munaasabadii lagu saxiixayay heshiiska ka sheegay in heshiiskan yahah mid taariikhi ah oo ku saabsan sahanka shidaalka Soomaaliya.

“Heshiiskaan taariikhiga ah ee sahanka shidaalka Soomaaliya wuxuu bartilmaameed u yahay dib u soo nooleynta baarista shidaalka dalka, taasoo saldhig u noqon doonta horumarinta dhaqaalaha”ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti oo ah Gudoomiyaha Guddiga Maareynta Maaliyadda (Financial Governance Commitee) ayaa waxaa uu amaanay qaabkii loo maray diyaarinta heshiiskan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali oo munaasabada heshiiska soo xiray ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid faa’ido u ah Soomaaliya, isla markaana u ogolaanaya in la gaaro go’aan wanaagsan oo loo dejinayo qorshe wax ku ool ah.



Add New Comment