Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Sheegay In 10-ka Bishan Muqdisho uu Ka Furmayo Kulan madaxeedka IGAD.


Hadliye03.jpgWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Maalgashiga Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in 10-ka Bishaan aynu ku jirno uu Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmi doono kulan Madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Urur Gobaleedka IGAD.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in shirka ay ka soo qeybgali doonaan Madaxweyneyaasha dalalka Ugandha, Sudaan, Jabuuti, Kenya, Koofurta Suudaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, islamarkaana Dalalka IGAD ay taageereen hormarka iyo Nabadda Soomaaliya

”Sanadkii Hore Wasiirada arrimaha Dibadda Dalalka IGAD ayaa ku kulmay Muqdisho, Waxaa lagu balamay in shirka Madaxda dalalka IGAD uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, Madaxda imaan doonto waxaa kamid ah Madaxweyneyaasha Ugandha, Sudaan, Jabuuti, Kenya, Koofurta Suudaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya”. Ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Wasiir Hadliye ayaa tallaabadan ku sheegay in ay meesha ka saari doonto Cabsida iyo Madmadoowga ay Kooxaha Argagixisado dooneyso in ay ka abuurto Soomaaliya,isagoo xusay in maata Soomaaliya ay mareyso Marxaladdii ugu dambeysay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, lagana gudbiyo mugdigii iyo cabsidii ka jirtay Soomaaliya.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay sida Urur gobaleedka IGAD uu u garab istaagay Soomaaliya iyo dadaalka ay mar walba ugu jiraan daganaashaha iyo hormarka Soomaaliya.



Add New Comment