C/fataax “Maka laabaneyno diyaar garowga ay Beledweyn u gashay marti gelinta shirka maamul u sameynta”



Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa mar kale si iskiis ah u shaaciyay in magaalada Beledweyn lagu qaban doono shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo aan wali la shaacin magaalada marti gelin doonto, isla markaana uu dib u dhac ku yimid waqtigii horay loo qorsheeyay inuu shirka ku furmo oo aheyd 1-dii bishan September.

C/fataax Xasan Afrax oo shalay ka hadlayay magaalada Beledweyn munaasabad lagu soo dhoweynayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen marti gelinta shirka, isla markaana ay xaq u leeyihiin.

“Gobolka hiiraan xaruntiisa magaalada beledweyn waa magaalo taariikhi ah oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn, hada ka hor waan sheegay inay marti gelineyso shirka maamul u sameynta labada gobol, hadana sidaas ayaa sheegeyaa, kana laaban meyno, wey marti gelineysaa waana u diyaar garonay, xaq ayaa u leenahay, dhinac kasta marka la eego waa u diyaar garownay”ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka rajeynayaan Shabeellaha Dhexe inay ku raacaan, isagoo tilmaamay in magaalada Beledweyn lagu bixiyay lacago malaayiin doollar ah oo ku aadan sidii ay u marti gelin laheyd sida uu yiri.

“Waxaa fileynaa inay walaalaheena reer Shabeelaha Dhexe inay nagu raaci doonaan in shirka lagu qabto magaalada Beledweyn, diyaar garowga aan galnay darteed waxaa magaaladan lagu bixyay lacag malaayiin doolar sidii ay u marti gelin laheyn, in la dhiso hoolal shirar oo ka mid yahay howlkan hada dhamaaday, waxaana rajeyneynaa in Madaxweynaha uu xariga ka jaro”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa ku tilmaamay hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan inuu yahay mid uu ku fududaaday, isla markaana cida go’aanka ka gaareysa halka shirka lagu qabanayo aanu keligiis aheyn, waxaana u tusaale u soo qaatay in magaalada Jowhar ay tahay magaalo nabdoon, shacabkeedana ay jecel yihiin dowladnimada, kuna caan ah soo dhoweynta martida, waxaana uu xusay in sanadkii 2005-tii ay reer Jowhar marti sooreen dowladdii KMG aheyd ee lagu soo dhisay dalka Kenya, isla markaana xarun KMG ah u aheyd magaalada Jowhar.

Maamulada Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ku kala aragti duwan halka lagu qaban doono shirka, iyadoo magaalada Jowhar ay u diyaar garowday marti gelinta shirka, waxaana maalmihii u dambeeyay ka socday howlo nadaafadeed iyo olole loogu diyaar garoobayay shirka, waxaana la dhisay hoolal lagu qabanayo shirka.


Add New Comment