Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo ka cabanaysa dhaqaale la’aan



Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlaheeda intooda badani ay la socon la’yihiin dhaqaale la’aan.

Wasiirka wasaaradda, Xaawo Xasan Maxamed ayaa warbaahinta u sheegtay in dhaqaale laa’aantu ay caqabad ku noqotay dadaallo ay wasaaraddu ku doonaysay inay ku horumariso hawlaha ay u qabanayso bulshada.

Adeegga caafimaadka ee aas-aasiga ah ee bulshada ayay sheegtay Xaawo inay markan ugu daran tahay hawlaha wasaaradda ee la xanniban dhaqaale la’aanta.

Dhinaca kale, wasiirka caafimaadka ayaa sheegtay inay wasaaraddu la dagaallamayso ka-ganacsiga dawooyinka dhacay oo ay ku tilmaantay aas-aaska mushkiladda caafimaad-darro ee ka jirta dalka.


Add New Comment