Madaxweynaha Galmudug oo Ahlu Sunaah wadahadal ugu baaqay



CKXGuuleed.jpgMadaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa mar kale wada hadal ugu baaqay madaxda maamulka Ahlu Sunnaha wal Jamaaca ee ka jira gobollada dhexe ee dalka.

Madaxweyne Guuleed ayaa si cad u sheegay sida uu maamulkiisu diyaarka  ugu yahay in uu Ahlu Sunnah la hadlaan, kagana qanciyaan wax kasta oo ay dhinaca Maamul-goboleedka Galmudug ka tabanayaan.

“Waxaan doonayaa inaan baaq nabadeed u diro Ahlusunna Waljameeca, Taasoo ah inay Ajiibaan Wadahadalka Dowladda iyo Maamulka Galmudug si Horumar loo gaaro,” ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax kasta oo khilaaf ah lagu dhameeyo wadahadal, isagoo sheegay in maamulkiisu uu yahay maamul dib u heshiisiin.

Ahlusunna Waljamaaca oo xilligan maamusha Magaalada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta Gobolka Galguduud iyo degmada Guriceel ayaa Maamulka Galmudug ka soo horjeestay, Waxayna Madaxweyne ku Doorteen Magaalada Dhuusa Mareeb, kaasoo ay sheegeen inuu ka talin doono Gobollada Dhexe.


Add New Comment