Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York kaga qeybgalaya shirweynaha 70-aad ee Qaramada Midooba


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi la socday ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo ay kaga qayb-geli doonaan shirka 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo shirar kale oo si gaar ah u quseeya dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda ayaa waxa halkaasi si diirran ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin sare oo ka tirsan hay'adaha Qaramada Midoobay, dibloomaasiyiin iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo madaxweynaha halkaasi uga sii horreeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada New York waxa ay asaga iyo xoghayaha guud ee Qaramada Middobay Ban Ki-moon shir-guddoomin doonaan kulan lagaga wada hadli doono wixii u qabsoomay dowladda Soomaaliyeed iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlaha inta ka harsan.

Sidoo kale madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in uu xarunta Qaramada Midoobay kula kulmo madax sare oo ka kala socota dalalka caalamka ee ayagu daneeya arrimaha dalka Soomaaliya.

 



Add New Comment