Ciidamo British ah oo La Geynayo Soomaaliya



Cameron.jpgRa’iisul Wasaaraaha dalka Britain David Cameron, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo British ah la geynayo Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed, si ay caawimaad u siiyaan howl-gallada nabad ilaalineed ee halkaas ka socda.

Cameron ayaa sheegay in ciidamada British-ka ee tagaya Soomaaliya ay gacan ka geysan doonaan sidii looga adkaan lahaa kooxda ku xiran Al-Qacida ee Al-Shabaab.

Ciidamada British-ka ee tagaya Soomaaliya iyo Sudan ayuu Mr. Camerom tiradooda ku sheegay 370 askari, waxaana uu intaas ku daray in faah-faahinta la xiriirta qorshahan uu kusoo  bandhigi doono kullanka guud ee QM ee maanta oo isniin ah.

“Waxan u maleeneynaa in Britain ay kaalin gaar ah ku leedahay tababaarka, farsamo iyo khibrad siinta, sidaa darteed waxaan dooneynaa inaan sare u qaadno waxa aan sameeneyno” ayuu yiri Cameron, oo intaas ku daray “Waxa ka dhacaya Somalia, haddii ay wax wanaagsan kasoo baxaan, waxa ay u wanaagsan tahay Britain. Waxay la macno tahay argagaxisanimada oo yaraata, muhaajriinta oo yaraada, iyo burcad badeednimada oo yaraata”. 

Ciidamada British-ka ayaan ku lug yeelan doonin wax howl-gallo dagaal ah, waxaana howshooda ugu weyn ay noqon doontaa inay kaalmo ka kooban farsamo, caafimaad iyo injineernimo siiyaan howl-gallada nabad ilaalinta Soomaaliya iyo Suudaanta Kionfureed.


Add New Comment