Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Talyaaniga




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiyi doona Soomaaliya, Carlo Campanile.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal, isagoo isla markaana u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhinaca siyaasadda, iskaashiga dhaqaalaha,amniya iyo arrimaha bulshada. Walow iskaashigeena uu hakad galey markii waddankeena uu qalalaase galey, hadana waxaan rajeynayaa in Talyaaniga uu door weyn ka cayaari karo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Waxaan leenahay kheyraad isugu jira xoolaha nool, beeraha, kaluumeysiga, shidaalka iyo macdan kala duwan. Si dhaqaalaha sare loogu qaado, ugana faa’ideystaan dhalinyarada, waxaan u baahanahay maalgashi iyo iskaashi aan ku horumarino kheyraadkaasi’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjiraha Campanile, ayaa sheegay inuu ka mahad celinayo sida qiimaha leh ee loogu soo dhoweeyay dalka, isagoo sheegay in uu xoogga saari doono xoojinta xiriirka labada dal, taageerada hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, doorashooyinka 2016, nabadeynta iyo xasilinta , iyo in Soomaaliya ay noqoto waddan xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo deriska iyo caalamka intiisa kale.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibedda ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye, iyo mas’uuliyin kale oo dowladda ka tirsan.



Add New Comment