Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay in Xildhibaanada Hiiraan Iyo Shabellaha Dhexe Muqdisho lagu soo xulaayo



Kadib kulan ay Magaalada Muqdisho ku wada qaateen Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka, ayaa waxaa la isla gartay halka rasmi ahaan lagu soo dooran doono Xildhibaanada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.


Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka Abukaate Cumar Cabdulle Dhagey oo Saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in Odayaasha Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay isla garteen in Muqdisho lagu soo doorto Xildhibaanada cusub ee Dowladda dhexe ku biiraya, kuwaasi oo ka imaanaya Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Abukaate Dhagey ayaa sheegay sababta arintaan keentay inay tahay dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo weli socda.

“Si aan si fiican xog ogaal ugu noqono arintaasi iyada ah aragtiyo kala duwan ayaa ka jiray, oo qaar ay qabeen Ugaasyada ka mid ah in Hiiraan lagu qabto, qaarna Shabellaha Dhexe si loo helo talo mideysan, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan wadatashi la yeelaano Isimida iyo duubabka ka soo jeedo, waxa ay intooda badan isku raaceen Odayaasha oo ay soo jeediyeen inta Maamulka laga dhisaayo Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan in doorashadii lagu qabto magaalada Muqdisho oo dadkii labadaasi Gobol ka soo jeeday.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan inay qaataan talada, gaar ahaan wuxuu ugu baaqay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif inuu yimaado Magaalada Muqdisho.

Lama oga sida Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay uga fal celin doonaan hadalka ka soo yeeray Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka, kaasi oo ay isla garteen qaar ka tirsan Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Add New Comment