Wasiirka amniga oo beeniyay in uu iscasilayo




Wasiirka Amniga gudaha dawladda Federalka ee Soomaaliya mudane Cabdiaisaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in uusan ahayn murashax u taagan qabashada xilka Madaxweyne ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka ayaa u xaqiijiyey Wakaaladda Wararka SONNA in sidoo kale aysan waxba ka jirin warar dhawaan ay daabaceen warbaahinta gudaha qaarkeed.

“ Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, musharax u taagan in uu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe-na ma ahi, mana danaynayo hadda, wax aan jirin oo xaqiiqda ka fog bay qoreen”, ayuu yiri C/risaaq.

Hadalka Wasiirka amniga ayaa imaanayo xili maalmihii la soo dhaafay ay warbaahinta qaar iyo baraha bulshadaba ay qorayeen warar sheegay in Wasiirka uu xilka wasiirnimo iska casilayo, uuna doonayo in uu isu sharaxo xilka madaxweynaha maamulka aan weli la dhisin ee ay yeelanayaan gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.


Add New Comment